Saxilnews.com
Murashax Cirro Oo Guryahooda Ku Soo Kala Booqday Qoyskii Marxuum/Mujaahid Ooto Biixi Iyo Xildhibbaan Cali Xaaji Oo Wiil Uu Dhalay Ka Geeriyooday +  Sawiro / Muuqaal 
June 8, 2017 - Written by suxufi

 

Hargeysa (Saxilnews):- Murashaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr.CabdiraxmaanM.Cabdillaahi (Cirro), ayaa guryahooda ku soo kala booqday qoyskii uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee Marxuum/Mujaahid Maxamed Biixi Caali(Ooto Biixi) oo dhawaan ku geeriyooday magaalada Hargeysa iyo weli ba sida oo kale xildhibbaan Cali Xaaji oo isna wiil uu dhalay ku geeriyooday dalka Norway.

Dr.Cabdiraxmaan Cirro oo ay booqashadiisan ku wehelinaayeen siyaasi Cabdi Raygal oo ka mid ah hoggaanka Xisbiga WADDANI, siyaasi Siciid Sulub iyo weli ba sida oo kale Mujaahid Xuseen Aadan Cadde, ayaa uu labada qoys ba u rajeeyey in uu Alle samir iyo iimaan uu ka siiyo geeridaas ku timi, isaga oo sida oo kale na Alle ka baryey in uu Marxuumiintaas uu godka u nuuriyo sida oo kale na uu ka waraabiyo jannatul Fardowsa.

Image may contain: 3 people, people smiling, people standing, sunglasses, beard and outdoor

Guddoomiye Cirro oo ugu horreyn la hadlay warbaahinta, ayaa waxa uu yidhi:- “Waxa aanu soo booqanay qoyskii iyo reerkii Marxuum/Mujaahid Muuse Biixi oo aanu ka soo tacsiyadeynay geeridaas xaqqa ah. Ilaahay ha u naxariisto Mujaahidka, mar labaad na samir iyo iimaan ha inaga siiyo geeridaas xaqqa ah.”.

Image may contain: 6 people, people smiling, people standing and outdoor

Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu yidhi:- “Waxa kale oo aan halkan tacsi uga dirayaa xildhibbaan Cali Xaaji oo isna wiilkiisii Hanad uu ku geeriyooday dalka Norway, markaa Aabo/Xildhibbaan Cali Xaaji waxa aanu lee nahay samir iyo iimaan isaga iyo dhammaan ba reer Cali, ehelka iyo qaraabada ba oo Hanad Alle ha u naxariisto, dhammaanteena samir iyo iimaan Alle ha inaga siiyo.”.

Image may contain: 6 people, people smiling, people sitting and indoor

Image may contain: 2 people, people standing and sunglasses

Image may contain: 1 person, sitting

Image may contain: 2 people, people smiling, people sitting

Image may contain: 2 people, people standing, beard and outdoor

Image may contain: 4 people, people smiling, people standing

Image may contain: 3 people, people smiling, sunglasses

Image may contain: 3 people, people smiling, people standing

Image may contain: 2 people, people sitting and indoor

Image may contain: 2 people, people sitting and indoor

Image may contain: 5 people, people sitting and indoor

Image may contain: 6 people, people smiling, people standing and sunglasses

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

COMMENTS
Latest News