Saxilnews.com
Murashax Cabdiraxmaan Ciro Oo Maanta Ka Qeyb-Galay Aas Qaran Oo Hargeysa Looggu Sameeyey Ciyaartoy Caan Ah + Sawiro / Muuqaal
January 26, 2017 - Written by Abdisalaan Harir
Hargeysa(Saxilnews):-Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr.CabdiraxmaanM.Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta ka qeyb-galay aas qaran oo xabaalaha Naaso-hablood ee magaalada Hargeysa looggu sameeyey Marxuum Abiib Cabdikariin oo ka mid ahaa ciyaartoydii waaweynayd ee Somaliland, sida oo kale na ka tirsanaa Xisbiga WADDANI.

Image may contain: 4 people, sunglasses and outdoor

Aaskan qaran ee loo sameeyey Marxuum Abiib Cabdikariin, ayaa waxa kale oo ka soo qeyb-galay siyaasiyiin, xildhibbaano, madax-dhaqameed, mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiga WADDANI, taliyeyaal ciidan iyo weli ba dadweyne aad u tira badan oo iskugu jira ehelada iyo qaraabada Marxuumkaasi.

 

Murashaxa Madaxweynaha WADDANI Dr.Cabdiraxmana Cirro oo ugu horeyn halkaas ka hadlay, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelkii, qaraabaddii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuumku, waxaana uu Alle uga baryey in uu godka u nuuriyo sida oo kale na uu naxariistiisii janatul Fardowsa ka waraabiyo.

Dr.Cabdiraxmaan Cirro, waxa kale oo uu Marxuumkaas uu ku tilmaamay in uu ahaa shakhsi aad u wanaagsan oo caan ku ahaa kubadda cagta isaga oo sheegay in uu aad ugu xasuusto wakhtiyadii uu ciyaari jiray kubadda ee wakhtiyadii Somaliya oo uu guulo badan berigaas u soo hooyey goballada waqooyi ee Somaliland.

Marxuum Abiib Cabdikariin, ayaa sida oo kale ka tirsanaa Xisbiga WADDANI, waxaana uu ka soo jeeda beelaha Gabooye ee Somaliland

Image may contain: 4 people, sky, outdoor and nature

Image may contain: 3 people, people standing, beard and outdoor

Image may contain: 6 people, people standing, beard and outdoor

Image may contain: 3 people, people standing and outdoor

Image may contain: 7 people, people standing and outdoor

Image may contain: 5 people, people standing and outdoor

Image may contain: 1 person, smiling, standing and outdoor

Image may contain: 2 people, people smiling, wedding and outdoor

Image may contain: 3 people, people smiling, people standing, sky, outdoor and nature

Image may contain: 5 people, crowd and outdoor

Image may contain: 7 people, people standing, tree, wedding, outdoor and nature

Image may contain: one or more people, people standing, beard and outdoor

Image may contain: 5 people, people standing, beard and outdoor

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

COMMENTS
Latest News