Saxilnews.com
Muqdisho: Madaxweyne Farmaajo Oo Hakiyay Fadhigii Uu Maanta Yeelan Lahaa Baarlamaanka Soomaaliya
March 31, 2018 - Written by indho indho

Muqdisho (Saxilnews.com) Madaxwaynaha Somaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa soo fara geliyay xiisada cirka isku shareertay ee ka dhalatay mooshin laga keenay gudoomiyaha baarlamaanka Somaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari.)

Madaxwayne Farmaajo ayaa kulan maanta  uu yeelan lahaa baarlamaanka Somalya hakiyay, kadib markii baarlamaanku ukala qaybsamay laba garab.

Gudoomiye Jawaari iyo xildhibaanada taageersan oo shir ku yeeshay Muqdisho Shalay ayaa shaaciyey in fadhiga sabtida ee golaha lagaga hadli doono arimo xasaasi ah oo ku saabsan xaalada magaalada Beledxaawo, halka garabka ka soo horjeeda ee uu hogaaminayo gudoomiye ku xigeenka 1aad ay shaaciyeen in fadhiga sabtida golaha lagu horkeeni doono mooshinka ka dhanka ah gudoomiye Jawaari.


COMMENTS
Latest News