Saxilnews.com
MUJ .CALI GURAY OO TAAGEERAY MUSHARAXNIMADA MADAXWEYNE EE SHEEKH SHARIIF SHEEKH AXMED
September 29, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

 

Hargeysa (Saxilnews):- Gudoomiye ku xigeenkii saddexaad ee xisbiga UCID Muj.Cali Yuusuf Axmed ayaa waxaa uu taageray  musharaxnimada Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu u sharaxan  jagada madaxweyne ee Dalkaasi

 

Muddane Cali Guray oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ga ayaa waxaaa uu sheegay in sheekh Shariif yahay siyaasiga ugu haboon in uu dalkaasi madaxweyne ka noqdo waxaana uu yidhi

“Somalia aniga aragtidayda ilaa Cali Mahdi shan Madaxwayne ayaa isaga dambeeyay Shariif Sheikh Axmed ayaan qabaa inu noqonayo kii ugu haboonaa shantoodaba. Wuxu ka madaxbanaanaa kooxaysiga iyo qabyaaladda nin dad isku wadi karana wuu ahaa ” ayuu yidhi  Muj .Cali guray

Sheekh Shariif ayaa waxaa uu hore u soo ahaa madaxweynihii dawlada ku meel gaadhka aheyd ee dalkaasi isaga oo xilka soo hayey muddo afar sano ah isla markaana  ahaa madaxweynihii xilka ku wareejiyey madaxweynaha iminka ee Xassan Sheekh Maxamuud

Halkan Ka Akhri Qoraalka Muj .Cali guray Soo Dhigay 

ali

 

COMMENTS
Latest News