Saxilnews.com
“MUDADDII AAN WAXBARASHADDA SARRE KU JIRAY, EE AAN BARAHA JAAMACADEED AHAA, WAXA II BAXAY OO AAN SI MUG LEH U DAREEMAY TAYADDA AQOONEED EE WAXBARASHADA SARRE
January 18, 2018 - Written by admin

Anoo Aabahay La Yaaban, Ayuu Aabahayna Aabihii ii Keenay!!!

Mudaddii aan Waxbarashadda sarre ku jiray, ee aan Baraha Jaamacadeed ahaa, Waxa ii baxay oo aan si mug leh u Dareemay tayadda Aqooneed ee Waxbarashada sarre oo u baahan in wax badan laga qabto, si loo soo saaro arday diyaarsan oo door fiican ka ciyaara Horumarka Dhaqan dhaqaale ee Bulshadeena. Mudadaas aan Waxbarashada sarre ku jiray, arday badan ayaa ila soo xidhiidhay oo dhigta Jaamacaddo ku yaala Xagan Somaliland iyo Somalia-ba. Waxaan kala shaqeeyey sixida iyo Hagaajinta Daraasadaha Cilmi baadhis ee ay qoraan marka ay ka Qalin jabinayaan Jaamacadda(Thesis). Halkaas iyadda ah waxaad ka dheegan kartaa Waxyaabaha badan ee Ka maqan Ruuxaas. Tayaddana Laguma Qiimeeyo hal iyo laba arday oo Si fiican u dhisan, ee si guud ayaa loo Darsaa.

Waqti xaadirkan, kumaan taliyeen in Phd(Doctor of Philosophy) Laga bilaabo Dhamaanba carriga Somaliland iyo Somaliyaba. Uma Diyaarsanin in aynu hawshaas faraha La galno. Waa in La saxaa waxa hada taagan iyo wixii hore; La soo saaraa arday tayeysan, Wax qori Kara, Si togan u Fekeri kara, Daraasaad samayn kara, Maskaxdooduna u furan tahay Is-badellada dunida ka socda.

Nuxurka Hadalkaygu Maaha Dhaleecayn, ee Wuxuu Daaran yahay in aan Jaamacaddan hoos sawirkeedu ku xusan yahay aan Lagu dayan, oo Jaamacadeehana Somaliland aanay is odhan Phd(Doctor of Philosophy) bilaaba. Shaqo badan ayaa inoo taala, Aynu Saxno Wixii hore.

No automatic alt text available.
 

Sharmaake A. Musse

COMMENTS
Latest News