Saxilnews.com
Muarizio Sarri Oo Maamulka Juventus Ka Dalbaday Labadiisa Saxiix Ee Ugu Horeeya Xagaagan
June 18, 2019 - Written by editor

Tababaraha Cusub ee kooxda Juventus ee Maurizio Sarri ayaa lagu soo waramayaa in uu doonayo in uu dhiso koox cusub xilli ciyaareedka dambe kadib markii uu si Rasmi ah tababare ugu noqday kooxda Juventus.

Maurizio Sarri Ayaa lagu soo waramayaa in uu doonayo saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Inter Milan ee Mauro Icardi iyo daafaca Kooxda Paris Saint-Germain ee Marquinhos.

Advertisement

Wargayska Sportitalia ayaa sheegya in uu tababare Sarri Agaasimaah Juventu u sheegay in uu daafaca reer Brazil ee Marquinhos doonayo in uu ka mid ahaado daafacyadiisa xilli ciyaareedka dambe.

Si kasta ha ahaatee Daafaca dhexe ayaa 10.2 milyan oo euro ka qaato PSG sanadkii mushahar ahaan taas oo dhibaato weyn ku noqon doonta in ay Juventus hesho adeegiisa.

Daafaca 25 jirka ah ayaa Roma kaga biiray kooxda PSG xagaagii 2013 isaga oo ugu biiray 32 milyan oo euro waxana uu ka mid noqday xiddigaha ugu muhiimsan kooxda laakiin hadii ay PSG hesho saxiixa Matthijs de Ligt waxa laga yaabaa in ay xiddiga suuqa dhigto.

Dhanka kale Sarri ayaa doonaya in uu weerarkiisa ku xoojiyo weeraryahanka reer Argentine ee Mauro Icard kaas oo dhaliyay 40 gool xilli ciyaareed kasta intii uu joogay Inter Milan.

Icardi ayaa loo sheegay in uuna mustaqbal ku lahayn kooxda Inter Milan isaga oo loo sheegay in uu raadsado koox cusub oo uu ku biiro inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

COMMENTS
Latest News