Saxilnews.com
Mooshin Xilka Lagaga Qaadaayo Mid Ka Mid Ah Madaxweynayaasha Somalida Oo Hada La Gudbiyey , Tirada Xildhibaanada Gudbisay Iyo Madaxweynaha Uu Yahay .
January 8, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Galmudug (Saxilnews):- Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug oomaanta kulan xasaasi ah ku yeeshay magaalada Cadaado ayaa gudbiyay Mooshin kalsoonida lagala noqonayo Madaxweynaha Maamulkaasi Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Image may contain: 1 person

Xildhibaanada ayaa maanta kulan ku yeeshay Hool kuyaala magaalada Cadaado , waxaana shir gudoominayay Gudoomiye kuxigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed, waxaana kulankan uu ahaa mid xasaasi ah oo ka duwanaa kulamdii hore.

 

 

Intii uu kulanka socday ayaa in ka badan 50-Xildhibaan waxa ay gudbiyeen Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ay ku eedeeyeen in uu gudan waayay waajibaadka shaqo ee loo igmaday.

Xildhibaanada ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Galmudug in uu ku fashilmay hogaaminta maamulka, waxa ayna sheegeen in waajibaadka maamulka uu kaga mashquulay arimo kale aan dan ugu jirin dadka iyo deegaanada uu matalo.

Baarlamaanka Galmudug ayaa horey waxaa u horyaalay Mooshin kale oo laga gudbiyay Gudoomiyaha Baralamanaka Galmudug Cali Gacal Casir, walina lama oga xiliga ay Baarlamaanka ka doodayaan kalsooni kala noqoshada Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

Warqad shalay kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Galmudug ayaa ku amray in la joojiyo kulamada Baarlamaanka iyo shaqooyinka kale ee maamulka , waxa uuna taageeray fasaxa dheerada ah uu Gudoomiyaha Baarlamaanka galiyay Xildhibaanada Galmudug.

Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa u muuqda kuwa aad uga soo horjeeda Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka, waxa ayna inta badan Xildhibaanada doonayaan in xubnahaasi kalsoonida kala noqdaan maadaama ay fashilmeen.

COMMENTS
Latest News