Saxilnews.com
Militariga Israa’iil oo sheegay in ay burburiyeen god dhulka hoostiisa ku yaallay
January 14, 2018 - Written by Faysal Aadan
Israa'iil ayaa sheegtay in goadka dhulka hoostiisa laga qodo loo isticmaalo weeraroLahaanshaha sawirkaEPA
Image captionIsraa’iil ayaa sheegtay in goadka dhulka hoostiisa laga qodo loo isticmaalo weeraro

Militariga Israa’iil ayaa waxa ay sheegeen in ay burburiyeen God dhulka hoostiisa mara oo ay ka tuhunsan yihiin in ay halkaasi ka qoteen mintidiinta Falastiiniyiinta.

Godkani ayaa waxa ay Israa’iil sheegtay in uu ka bilaabmo Qaza uuna isku xiro ilaa dalka Masar.

Afhayeen u hadlay militariga Israa’iil ayaa sheegay in in burburinta Godkani loo isticmaalay duqaymo dhanka cirka ah iyo farsamooyiin kale.

Godkani ayay Israa’iil sheegtay in la doonayay in loo isticmaalo weerarada ka dhanka ah Israa’iiliyiinta.

Afhayeenka u hadlay militariga Israa’iil ayaa sheegay in godkani uu ahaa kuwa dhulka hoostiisa mara.

Israa’iil ayaa marar badan ku eedeeyay kooxaha Falastiiniyiinta in y go’dad ka qotaan dhulka hoostiisa si ay uga soo agaasimaan weeraro lagu qaado Israa’iil.

Israa’iil ayaa dagaalkii 2014 waxa ay ku burburisay in ka badan 30 ah godadka ay dhulka hoostiisa ka qoteen mintidiinta magalada Qaza

COMMENTS
Latest News