Saxilnews.com
Milgaheena Dawladnimo Yaa Kor u Qaaday?
April 5, 2015 - Written by admin

1960kii oo ahayd markii ugu horaysay ee shacabka reer Somaliland ay heleen dawladnimo inkastoo wakhtigaasi noqotay mid aan la mahadin, wakhtigaasi ilaa 1991kii o iyana ahayd markii ay shacabka reer Somaliland ay dib u la soo noqdeen xoriyadoodii, isla markaan ay go,aansadeen inay ka baxaan midowgii lagu hungobay ee Somalia aynu la galnay, ilaa xiligaas iyo intii ka danbaysayba shacbku waxa ay raadinayeen inay haleen dawladnimo milgo leh oo ay shacabku ku diir sadaan, maraaxil kala duwan ayeynu soo marnay tan iyo goortii aynu ku dhawaaqnay gooni siu taageena, waxaana mahada allah ka sakow, mahad iska leh madaxweynayaashii ina soo hogaamiyey oo dalka soo gaadhsiiyey meelo wanaagsan isla markaan dadka iyo dalkaba kala soo dabaashay maraaxil iyo wakhtiyo adag, ilaasha shada dawladnimada guud iyo nabad galyada aynu ku naaloonayno ka sokow bulshadu waxa ay aad u tabayeen waxqabad iyo horumar dawladeed oo dhinacyo badan leh, taasi helitaankeedana shcabka reer Somaliland waxa ay ku heleen samir iyo dadaal ay sameeyeen, waxaanan odhan karnaa tan iyo xilgii la doortay xukuumada haatan jirta waxa ay bulshadu malinkasta argtaa oo maqashaa, wax la qabtay iyo horumar la gaadhay, halkaasi waxaa ka muuqata in dawlad milgo leh oo awood u leh inay ka shaqayso dhimacyada, amniga ,arimaha bulshada,dhaqaalaha, iyo arimaha dibadaba aynu haysano, taasi oo ah tii ay dadku codkooda ku keeneen, aanay ahayna mid si kale ku timid, xukuumada uu hogaamiyo mud,axmed maxamed maxamuud siilaanyo horumarka iyo waxqabadka tirade badan ee dalka ka wado, waa mid ay bulshadeeda hore ugu balanqaaday, waxaan halkaa ka cad inay fulisay dhamaan balanqaadkii ay shacabka u samaysay, sida oo kale waxa iyana halkaa ka muuqata in aanay bulshada s/land ku hungoobin xukuumadii ay dooratay, kor u qaadida milgaha dawladnimana waxaa kow ka ah in shaqada dawladu noqoto shayga kowaad iyo ta ugu fiican, xukuumad axmed siilaanyana waxa ay shaqada dawlada ka dhigtay mid kaliya ee maanta lagu hamiyo in la qabto, maxaa yeelay waxa ay kor u qaaday tayada shaqaalaha iyo shaqada dawlada, sida oo kalena waxay wanaajisay oo ay kordhisay mushaharaadka iyo gunooyinka shaqaalaha dawlada, waana ta keentay in shaqada dawladu maanta noqoto mid loo wada hanqal taago, iyana waxaa xusid mudan oo aad u muhiima maanta in dawladaha caalamka Somaliland intooda badani ay garanayaan Somaliland iyo dawladeedaba, maalin kastana waxa sii badana dadka iyo dawladaha baranaya Somaliland iyo dadkeedaba, taasna waxaa ku amaanan oo milgahaasi dawladnimadeena u horseeda xukuumada uu madaxda ka yahay madaxweyne axmed maxamed maxamuud siilaanyo,

 

allaa mahad leh

 

W/Q : axmed koosaar

Email : mahamedfantastic@hotmail.com

COMMENTS
Latest News