Saxilnews.com
(MILANKA KU YIMAADA DADKA AQOONTA DIINEED LEH MARKAY SIYAASADA GALAAN)
April 24, 2015 - Written by admin

Dadka in badan ayay is waydiyaan waxa kalifay milanka dadka aqoonta diineed leh ay ku milmaan dadka aanan lahayn aqoonta diinaad.

Intii uu talada dalka la wareegay madaxwayne axmed maxamed maxamuud siilanyo isagoo ka duulaya ilaalinta hantida qaranka waxuu awooda saaray inay kamid noqdaan dowladiisa dadka aqoonta diineed leh, dadkasoo qorshuhu ahaa inay noqdaan dadkii hantida qaranka ilaalin lahaa dadka kalena ay ku dayan lahayeen.

Hadaba waxaa soo baxay ku takri fal lagu takri falay hantida umadan oo ay u hodhseedaan dadkii loo baahnaa in lagu daydo.

Hadaba waxaynu isla qirnay inay ku milmeen kuwa aanan lahayn aqoonta diineed ee higsigoodu yahay aakhiro waa lagaari warqtigeedee aduunyada ka raaxayso walibana waxay leeyihin kuwan aanan aqoonta diineed lahayn dabeecad ah waxaad hesho kolayba waa hanti umadeede iska cun oo dadkana hakula cunaan.hadhowna waad ka xajin doontaaye ilaahayna waa gafuurul raxiime Halka kuwa leh aqoonta diineed ee  ku milmay kuwa aanan lahayn aqoonta diineed ay ku dhaqmeen inay ka dhaqdaan kana dhistaan daaro aad u qurux badan kuna xajiyaan daartana magaca lagu qorayo la qariyo si uu dadka isugu ekaysiyo inuu yahay mid aanan aqoon waxan la hadal hayo.ee ah musuqmaasuq,

Hadaynu si duur xul ah u eegno waxaa jira maayaro, wasiiro, agaasimayaal aay waxoodu yihiin wax badheedh ah si cadna ugu takri falaan hantida umada, waxaa sii dheer nin mas’uul ah oo aad garanayso mushaharkiisa waxuu yahay iyo shaqada uu hayo ayaad arkaysaa isagoo hodheelada waa wayn ku kharash gareeynaya wax ku saabsan sumcadiisa isagoo adeegsanaya canshuurtii dadka masaakinta laga ururiyay.

Anigoo ah madaxwaynaha mustaqbalka waxa aan layabay waxaa kamid ah nin loo magacaabay wasiirnimo shaqadana hayay dhowr cisho ayaad arkaysaa isagoo marti qaadaya rag gaaraya 100 nin ragaasoo lagu casuumaya hudheelada dalka ugu qaalisan ugu yaraan kharashka ku baxaya uu yahay 5000$ hadaba waxaynu garan karnaa wasiirka jogay dhowrka cisho ee dhaqanka nocaas ah  ku bilaabay shaqada waxa ka danbayn kara markuu modo joogo, taasi waxaa kasii yaab badnayd markaan TV ka daawaday mas’uulkii loo magacaabay hantidhowraha qaranka oo maayar kamid ah maayarada jamhuuriyada Somaliland siinaya shahaado sharaf.

Ugu danbayn waa madaxwaynaha mustaqbalka oo idin leh shacabku wuu idin daawanayaa nin walbana taariikhdaa xusi doonta

COMMENTS
Latest News