Saxilnews.com
Mid Ka Mid Ah Beelaha Somaliland Dega Oo Qaadacay Doorashada Aqalka Sare Ee Somaliya Iyo Beel Ay Ku Eedeeyeen In Ay Ka Dhaceen Kursigoodii,
January 9, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Hargeysa(Saxilnews):-mid ka mid ah beelaha Dega Somaliland isla markaana qaar ka mid ah cuqaasha iyo Siyaasiyiinta beeshaasi ay xukumada federaalka ah ee Somaliya ka doonteen kursigii ay ku lahaayeen Xukumadaasi ayaa sheeciyey in kursigoodii la dhacay,

Beeshan oo ah beesha AKISHO ayaa waxay dhaliilo xoogan u soo jeediyeen Gudoomiyaha Doorashooyinka Beelaha Somaliland matalaya oo ah Jaama Maxamed Qaalib,

Cuqaasha beesha ayaa warsxaafadeed ay soo saareen waxay ku sheegeen in la duudsiiyey xaqoodii isla markaana u gudoomiyaha Doorashooyinka Gobolada Waqooyi Somaliland Jaamac Maxamed Qaalib uu beeshiisa siiyey kursigii ay ku lahaayeen Kuraasta aqalka sare ee Somaliya,

Cuqaasha iyo Siyaasiyinta Beesha Akisho eek u sugan Magaalada Muqdisho ayaa waxay fariin u direen Madaxwaynaha Somaliya iyo sidoo kale beesha caalamka oo ay ka codaseen in hoos loo eego xaqii ay ku lahaayeen baarlamaanka aqalka sare oo si cad looga dhacay waa sida ay sheegeene,

Halkan Ka Daawo Muuqaalka

COMMENTS
Latest News