Saxilnews.com
Meydad Kale oo Soomaali ah oo Laga Helay Xeebaha Yemen
March 20, 2017 - Written by Cabdiqani Deeq

Al Hudaydah, yemen(Saxilnews.com)Wali waxaa xeebaha dalka Yemen kusoo caaridaya  meydadka dadkii badda ku daatay kadib markii Jicmihii doon ay sarnaayeen lagu weeraray marinka Baab Al-mandab ee Badda Cas.

Dadkaan ayaa kusii jeeday dalka Sudan sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah dhaawacyada laga soo badbaadiyey halka uu shilka ka dhacay.

Dhinaca kalena Isbaheysiga uu sacuudigu hogaamiyo ayaa sheegay in aanay iyagu masuul ka aheyn weerarka tahriibayaasha Soomaalida ah lagu laayay.

 

 

COMMENTS
Latest News