Saxilnews.com
MD Farmaajo Oo Qorshe Aan Horey Loo Arag Loona Maqal La Damacsan Dowladda Kenya (Waa Maxay?)
March 19, 2017 - Written by Cabdiqani Deeq

Muqdisho(saaxilnews.com)Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo aad uga carreysan booqashadii ammar la’aanta ahayd ee Uhuru Kenyatta ku yimid Soomaaliya, ayaa hadda doonaya inuu dhulka la jaro dowladda Kenya.

Farmaajo oo hadda u arkay Kenya iney tahay mid aan ixtiraameyn dowladdiisa ayaa doonaya inuu u jaro xiriirka diplomaasi ee kala dhaxeeya dowladdaasi.

Waxaa suuragal ah in shaqooyin badan oo DFS kala dhaxeeyay dowladda Kenya in la joojiyo, waxaana sidoo kale macquul ah in shaqadii safaaradda Soomaaliya ee Kenya isbedal lagu sameeyo.

Farmaajo ayaa doonaya inuu Kenyatta ku canaanto ammar la’aantii uu dalka yimid, waxaana Kenyatta uu arrimahan oo dhan uga badbaadi karaa isaga oo warbaahinta ka hadla, raaligelin bixiya, sidoo kalena warqad raaligelin ah usoo dira madaxweyne Farmaajo.

Dowladaha deriska oo markii horeba ciidamadooda dalka iska soo geli jireen bilaa ammar, ayaa hadda waxaa kusoo darsoomay in madaxdiina ay ammar la’aan dalka yimaadaan.

COMMENTS
Latest News