Saxilnews.com
Maxkamadda Sare Mareykanka oo diiday in la laalo dacwadda General Maxamed Cali Samatar
March 11, 2015 - Written by admin

London(Saxil News.com)-Maxkamadda Sare Dalka Mareykanka, ayaa maanta waxay

 diiday in la joojiyo dacwadda loo heysto Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliya General Maxamed Cali Samatar. Maxkamaddu waxay ogolaatay in dacwadiisa la sii wado.
Eedeymaha loo heysto, ayaa waxaa ka mid ah in dhibaatooyin ka dhan xuquuqda aadanaha, oo ay geysteen Ciidankii Militariga Somaliya intii u dhaxeysay 1980-1990-kii. Waxaana soo eedeeyay dad sheegay in eheladooda uu la dhibaateeyay.
Waxay kaloo sheegeen inuu bixiyay awaamiirta ku aadan in Ciidankii Militariga Somaliya geystaan dhibaatooyin ka dhan ah dad aan waxba galabsan.
Maxkamadda waxay sheegtay in Jananku uu iska difaaci karo eedeymaha loo heysto, waxaana suurta gal ah in Maxkamaddu ay go’aan ka gaarto dacwadda loo heysto.
Dacwadda loo heysto General Maxamed Cali Samatar, ayaa Maxkamad ku taala Gobolka Virginia ee dalka Mareykanka ka furmatay sanadkii 2010-ka, iyadoo uu marar kala duwan ka soo muuqday Maxkamadaasi.
General Maxamed Cali Samatar waxa uu beeniyay in uu amray in dad rayid ah la dhibaateeyo, mudadii uu ahaa Wasiirka Gaashaandhiga Somaliya.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, ayaa sanadkii hore diiday in wax eedeymo ah loo soo jeediyo Maxamed Cali Samatar. Laakiin Maxkamadda waxay bishii November ee sanadkii 2012-ka amartay in dacwadiisa la sii wado.
Dowladda Madaxweyne Barack Obama, ayaa horey Maxkamadda kaga codsatay inaanay dhageysan dacwadda ka dhanka ah Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Somaliya.
berbera2002@gmail.com

COMMENTS
Latest News