Saxilnews.com
Maxkamadda Sare Ee Somaliland Oo La Filayo Inay Maalinta Bari Ah Ku Dhaawaqdo Go’aanka Ay kasoo Saarto Khilaafka Xisbiga Iyo Dareenada Ku Xeeran
September 24, 2016 - Written by Abdisalaan Harir
Hargeyas(Saxilnews) -Warar xog ogaal ah oo ay helayso shabakada wararka Saxilnews kana helayso ilo wareedyo u dhuun daloola xisbiga UCID ayaa la filayaa inay maxkamadda sare ee Somaliland maalinta bari ah oo taarikhu ku beegan tahay 25-September-2016- ku dhawaaqdo\ go’aanka kama danbaysta ah ee ay kasoo saartay khilaafka xisbiga UCID ee u dhaxeeya laba garab ee ay kala hogaaminayaan musharax Jamaal Cali Xuseen iyo gudoomiye Faysal Cali Waraabe.

dacwadan khilaafka xisbiga UCID oo dhawaan maxkamaddu dhagaystay ayaa garnaqa dacwadani waxa ka garnaqaya 11 garsoore oo uu hogaaminayo gudoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland Prof Aadan Xaaji Cali.

Go’aankan ay soo saarto maxkamadda sare ayaa noqonay go’aankii ugu danbeeyey ee laga soo saaro khilaafka xisbiga UCID oo muddo badan soo jiitamayay kaasi oona dabar u noqonaya khilaafka iyo waliba labadan garab ee khilaafku ka dhex aloosan yahay.

Bulshada Somaliland ayaa iyagu si wayn ugu dhag taaganaya go’aanka kama danbaysta ah ee khilaafka ragaadiyay xisbiga UCID ay kasoo saarto maxkamadda sare ee Somaliland.

COMMENTS
Latest News