Saxilnews.com
Maxkamada Gobolka Oo Mudaysay Wakhtiga Maxkamada La Horkeenay Sarkaal Ka Tirsan Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddani
June 18, 2019 - Written by editor

Maxkamada Gobolka Oo Mudaysay Wakhtiga Maxkamada La Horkeenay Sarkaal Ka Tirsan Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddani

Hargeysa(SXN):-Maxkamada gobolka Maroodijeex ayaa mudaysay wakhtiga la la dhagaysan doono dacwada loo haysto gudoomiyaha garabka dhalinyarada xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Maxamedsidiiq Dhame.

War ka soo baxay maxkamada gobolka Maroodijeex oo uu ku saxeexan yahay garsoore Muuse Cabdi Xuseen ayaa lagu sheegay in maalinta khamiista ah ee todobaadkan la dhagaysan dacwada ka dhanka ah gudoomiyaha garabka dhalinyarada ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.

Image result for maxkamada gobolka maroodijeex

Garsoore Muuse Cabdi Xuseen ayaa taliyaha saldhiga dhexe ee ciidanka booliska ee magaalada Hargeysa ku amray inuu maxkamada horkeeno laba sarkaal oo markhaati ku ah sarkaalka ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.

Warqada ka soo baxday maxkamada gobolka Maroodijeex ayaa lagu sheegay in dacwadan uu qaranku dhibane ka yahay.

COMMENTS
Latest News