Saxilnews.com
MAXKAMADA GOBOLKA MAROODIJEEX OO DUGSIYADA NUURADIIN KA MAMNUUCAY DAABACADA MANHAJKA WAXBARASHADA SOMALILAND
December 29, 2018 - Written by editor

Hargeysa(saxilnews.com)-Dugsiyada Nuuradiin Oo Daabacaada Laga Mamnuucay Maxkamadda gobolka Maroodijeex ayaa dugsiyada Nuuradiin ku riday xukun ka mamnuucaya in ay daabacdaan Manhajka Waxbarashada Somaliland. Qoraalka Maxkamadda ayaa lagu sheegay in dugsigu si sharci darro ah u daabacday Manhajka oo ah sir Qaran oo wasaaradda Waxbarashada ama cid ay ogolaansho u siisay oo kaliya daabici karto.
Maxkamadda ayaa amartay dhammaan madbacadaha gaarka loo leeyahay iyo tan Qarankaba in aanay dugsiyada Nuradin Schools u daabicin Mahnajka, islamarkaana dugsiga laftiisu isku dayin in uu daabacdo ilaa amar dambe waxaana fulinta amarkan lala socodsiiyay taliska booliska.

Dugsiyada Nuuradiin Oo Daabacaada Laga Mamnuucay

COMMENTS
Latest News