Saxilnews.com
Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Ee Dalka Somaliya Oo Saaka Xukun Ku Riday Ninkii Dilay Wasiir Hawlaha Guud Ee Dalkaasi + Sawiro 
June 19, 2017 - Written by Saki Adam Suxufi

Moqdisho (Saxilnews):- Maxkamadda Ciidamada qalabka ee dalka Somaliya ayaa saaka xukundil ah ku riday Axmed C/llaahi Cabdi oo lagu helay inuu dilay Wasiirkii howlaha Guud iyo Guriyeynta Marxuum Cabaas Siraaji.

Image may contain: 1 person, closeup

Dhageysiga Kiiskan oo todobaadkii hore la soo gaba gabeeyay, markii maxkamaddu dhageysatay marqaatiyaasha iyo qirashada ninkan lagu helay dilka ayaa ugu dambeyn saaka riday xukunka.

Ninka xukunka dilka lagu fuliyay oo ahaa askari ka tirsan ciidamada dowladda ayaa ka mid ahaa Ilaalada Hanti dhowrkii Guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax, kaasoo xilkiisa ku waayay shilka lagu dilay wasiirka.

Image may contain: 1 person, hat and closeup

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay xukunka

Image may contain: 2 people, people standing

Allaha u naxariistee Wasiir Cabaas Siraaji ayaa la dilay horaantii bishii May ee sanadkan, markii gaadhi uu saarnaa uu ku dhawaaday gaadhi kale oo la socday Hanti dhowrka Guud, waxaana rasaas ku furay Ilaalada saarnaa gaadhigaas oo marayay nawaaxiga Madaxtooyada.

COMMENTS
Latest News