Saxilnews.com
Maxkamad Ku Taalla Dalka Masar Oo Dil Toogasho Ku Xukuntay 30-Qof + Nooca Uu Yahay Danbiga Lagu Eedeeyey
June 18, 2017 - Written by Saki Adam Suxufi
Qahira (Saxilnews):- Maxkamad ku taalla dalka Masar ayaa soo jeedisay in xukun dil ahlagu xukumo 30 qof oo lagu eedeeyay in ay ku lug lahayeen dilka dacwad oogihii dalka Masar.

 

Dacwad ooge Hisham Barakat ayaa geeriyooday, kadib markii qarax lala eegtay gaadhigiisa, waxaana lagu tilmaamay inuu ahaa sarkaal kii ugu daraja sareeyay ee ay dilaan maleeshiyaad muddooyinkii dambe.

Mr Barakat ayaa intii aan la dilin kahor, waxaa uu gacanta ku hayay kiisaska kumanaan qof oo katirsanaa ururka ikhwaanul muslimiin oo uu hogaaminayay madaxweynihii xilka laga tuuray ee dalka Masar, Maxamed Mursi.

Kadib geeridii Mr Barakat, waxaa xabsiyada loo taxaabay kumanaan Muslimiin ah oo lagu eedeeyay dilka dacwad-oogaha tan iyo markii xukunka laga tuuray dowladdii ay taageeri jireen kooxda Muslim Brotherhood sanadkii 2013.

Dhinaca kale boqolaal ruux, ayaa lagu xukumay dilal iyo xukunno xabsi ah, waxaana lagu eedeeyay dilka dacwad ooge Hisham Barakat.

Dowladda Masar, ayaa dilka Hasham, ku eedeeysay kooxda Muslim Brotherhood iyo kooxda fadhigeeda uu yahay magaalladda Gaza ee Hamaas.

COMMENTS
Latest News