Saxilnews.com
Maxay Damac-sanyihiin Isbahaysiga Musharaxiinta Iyo Wasiiraddii Is-calilay Ee Shalay Sheegay In Aanay Shir-weynaha Xisbiga KULMIYE Ka Qeyb Galayn
November 9, 2015 - Written by admin

Hargaysa (SAXILNEWS)_Warar hoose oo ay heshay Shabakadda Wararka ee SAXILNEWS,ayaa sheegayaa in Kooxda Isbahaysiga Musharaxiinta iyo Wasiiraddii dhawaan iska casilay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee hadda dajiyeen Khidad Siyaasadeed,taas oo ay kaga aar-goosanayaan Gudoomiye Muuse Biixi Iyo Xukafadiisa. Xogaha,ayaa sheegayaa inay Kooxdan oo ay Hogaamiyayaashooda Ruuxiga ah kala yihiin;Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda MD. Xirsi Cali X.Xasan,Wasiirkii hore ee Maaliyadda, MD. Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Wasiirkii hore Hawlaha guud,Gaadiidka iyo Guryaynta MD. Cabdirisaaq Khaliif Axmed ay cududooda taageero ku wareejinayaan Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID,Kaas oo uu hor-joogo ka yahay Gudoomiye Faysal Cali Waraabe,ahna aas-aasihii Xisbiga.Wararku waxay sheegayaan inay dhamaantood is-tuseen inay Muhiim tahay in Gudoomiye Muuse Biixi lagu garaaco Musharax kasoo jeeda SUBEER AWAL,kaas oo noqday Jamaal Cali Xuseen.
Waxa la sheegayaa inay u muuqatay in haddii ay cod iyo cududba ku taageeraan Jamaal Cali Xuseen ay taasi keenayso Beesha SACAD MUUSE ay ita kasoo hor-jeedda Musharax-nimadda Muuse Biixi ay taageerayaan Jamaal Cali Xuseen,gaar ahaana taageerayaasha Maxamed Biixi Yoonis Iyo Cabdi casiis Samaale,kuwaas oo raba Madal kale oo ay kaga aar-goostaan Xulafadda Muuse Biixi ee ay aaminsan yihiin inay Madaxtooyaddu ku badhi-taageertay inuu Xisbiga Afduubto.
Shirka Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE,ayaa la filayaa inuu qabsoomo Maalinta Berri ah,taas oo ku beegan 10 November,2015-ka,iyadda oo aanay muuqan wax tartan ah,kaas oo loo galayo Musharax-nimadda Madaxweyne ee Xisbiga KULMIYE. –

 

 

 

OFFICE/HARGEISA

COMMENTS
Latest News