Saxilnews.com
Maxamed Xaashi Oo Mushaharkii Rayaale, Siilaanyo, Saylici Iyo Axmed Yuusuf Yaasiin Barbar Dhigay Mushaharka Madaxda Caalamka Qaar Ka Mid Ah
May 24, 2015 - Written by admin

Siyaasiga caanka ah ee Maxamed Xaashi Cilmi, oo noqday wasiirkii maaliyadda ee ugu horeeyay ee Madaxweyne Siilaanyo, ayaa mushaharka madaxda caalamka qaarkood barbar dhigay  mushaharkii madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin iyo ku xigeenkiisii Axmed Yuusuf Yaasiin iyo mushaharka Madaxweynaha wakhtigan Axmed Maxamed siilaanyo iyo ku xigeenkiisa Saylici.

Arial, Helvetica, sans-serif; background-image: initial; background-attachment: initial; background-size: initial; background-origin: initial; background-clip: initial; background-position: initial; background-repeat: initial;”> Maxamed Xaashi ayaa qoraal uu xalay soo saaray wuxuu kaloo ku dhaliilay shirguddoonka guurtida iyo wakiilada iyo weliba xildhibaanada oo uu sheegay inay duuduub ku ansixiyaan arrimo masiiri ah oo u baahan in laga doodo. Qoraalkiisa wuxuu ku bilaabay sidan

MAAMUL XUMO & KHARASH XAD-DHAAFA.     22/05/2015

Qaybta 1: Is-barbar dhig, Madaxda Sare ee Dawladda; iyo kuwa shisheeye:

Madaxweynihii hore Mushahar $ 36,117 bishii Madaxweynaha U.S $ 32,916
Madaxweyne Ku-Xigeenkii Hore. $ 15,989 bishii          “              China $   1,825
Madaxweyne Ahmed $ 11,375 bishii            “           Egypt $      566
Madaxweyne Ku-Xigeenkan. $   8,125 Prime Minister Ethio $     316
Wasiirada. $   2,350
Xildhibaan $   2,354

Bal aan tusaale u soo qaadanno Dakhligii dhabta ahaa ee Miisaaniyadaha:

Miisaaniyadda 2008 = $ 47,000,000  iyo  2014 = $ 163,000,000. Korodh 247% Cashuurta beriga ee la soo ururiyaa way ka yar tahay 30%. Waxa DIHIN 70%.

XUKUUMADDU, DHEEF RAADIN BAY U GASHAA WAX JIRINKA J.S.L. HALIS KU AH:

Xukuumaddani waxa ay ka qaybgashay shirkii u horeeyay ee London, ka bacdi loo tagay U.A.E, loo  tagay Turkey, loo furay Wada hadalada Jamhuuriyadda Somaliland iyo Somalia.                                                                                                      Marwalba sababtu waxa ay tahay; Deeqda loo fidinayo Somalia ayaynu qaybteenna soo dhacsanaynaa. Arrintani waxa ay shakki gelisay la soo noqoshadii madaxbannaanida J.S.L. ee 18 May 1991kii.

G/Wakiiladu waxa kale uu ka aamusan yahay; Safaarado Xamar degen sida   Safaaradda Turkey, oo Xukuumaddu u ogolaatay inay Qunsul ka furato Hargeysa. Jamhuuriyadda Somaliland waa Dal madaxbannaan, oo ay tahay in lagu joogo ama lagu daganaado magaca Somaliland. Balse aan lagu soo gelin ama aan lagu daganaan magaca Somalia.

Hay’ado U.N ama shi-sheeye ayaa iyana magaca Somalia ku degen Somaliland.

Wada hadalada Jamhuuriyadda Somaliland iyo Somalia, wuxu Madaxweyne Axmed ku saxeexaa Madaxweynaha Somaliland. Kuma daro; Jamhuuriyadda Somaliland. Sow arrintu uma ekka: Punt-land, jubba-land, Somaliland. Waxa loo qaadan karaa in aynu qayb ka nahay Federalka Somalia.

Qodobka 38-3b: Himilooyinka xilgudashada Baarlamaanka waxa ugu muhimsan arrimaha soo socda:- b. Sugidda nabadgelyada iyo amaanka jamhuuridda iyo u madax-bannaanida maamulka dhulkeeda, baddeeda iyo hawadeeda.

Heshiisyada Xukuumaddu la gashay Somalia, ee aanay ka ansixin G/Wakiilada isna waa dambi.

ARRIMO AY TAHAY IN LAGA DOODO AYAA WAKIILADU DUDUB ANSIXIYAAN:

G/Wakiiladu wuxu ansixiyaa, wax badan oo aan Dalkani u baahnayn, danta Ummaddana ahayn, waxa ka mid ah: 57 wasiir iyo 26 wasaaradood. Waa kharash horumarka Dalka wax weyn ka tari lahaa.

XEERKA MAAMUUSKA (Xeer Lr.62/2013.

Madaxweynaha, Madaxweyne ku-Xigeenka hore iyo Mudanayaasha Baarlamaanka (Xeer Lr.62/2013). Wuxu Goluhu ku Ansixiyay sharddi ah; in lagu daro  GUNNO SAGOTIS xubnaha Baarlamaanka ee doorashada waaya. Gunno Sagoti miyaanu ahayn LAALUUSHKA goluhu ku ansixiyay?

MAAMUUS maxaa loola jeeda? Maamuuska ma ku jiraa, Madaxweyne ama Madaxwene ku-Xigeen hanti Qaran lusaday ama dambi ka galay qaranka?

Kharashka caafimaadka: Haddii madaxweynaha ama Madaxweyne ku-xigeenka hore ay soo food saarto xaalad caafimaad daro oo gudidda dhakhatiirta Qaranku ku taliyaan in cusbitaal dibadeed loo diro, waxaa kharashka caafimaad bixinaya xukuumadda.

d) Muwaadinka ku jira xaalad la mid ah, oo aan awoodi Karin kharash caafimaad uu dibad ku tago, miyaanu XAQ NOLOLEED isagu lahayn?

e) Gunno Sagootis: Mudanayaasha Baarlamaanka ee dhamaysta muddo xilleedkooda Dastuuriga ah waxa la siinayaa gunno sagootis ah oo dhan hal Sanno mushaharkeed.

Muxuu Golaha Wkiiladu uga doodi waayay Odoroska Miisaaniyadda 2015 iyo Xisaab-xidhkii 2008 ilaa 2014kii.

LABADA SHIRGUDDOON EE GUURTIDA IYO WAKIILADU:

Waxa ay caadaysteen in ay Gole KEENAAN arrin aan SHARCI AHAYN sida MUDDO KORDHIN khilaafsan Dastuurka 42-3.

Mudo kordhintu waxay ku iman kartaa: ”Hadii doorashada golaha wakiiladu ku qabsoomi weydo duruufo adag awgeed, golaha hore, ayaa xilka sii haynaya inta ay ka dhamaanayso duruuftaasi, lagana dooranayo Gole Cusub.

Duruufaha adagi waa: dagaal baahsan, xasilooni darro gudaha ah, aafo dabiici ah oo culus sida dhul gariir, cudurada faafa, abaaro culus.

Arrimahani Marnna ma dhicin. Iyo miisaaniyadda iyo xisaab-xidh DUUDUUB LAGU ANSIXIYO.oo khilaafsan

Qodobka 55-1. Golaha Wakiiladu waxa uu ka doodi karaa, waxna ka beddeli karaa miisaaniyadda kuna ansixinayaa go’aan Gole.

Qodobka 55-6.  Waa waajib u soo bandhigidda  Golaha Wakiilada xisaab-xidhka  sannad-maaliyadeedkii dhamaaday muddo aan ka badnayn lix bilood oo ka bilaabanta taariikhda dhamaadka sannad-maaliyadeedka iyadoo Golaha Wakiiladu ka doodayo, go’aanna ka soo saarayaan.

 

Adduun badan oo Goluhu ka doodi lahaa, AYAA BUSTE QOYAN la saaraa. Sida: Hantidii Maamulkii Rayaale lunsaday oo dhamayd $ 123. milyan iyo tii Maamulkani la wareegay oo ah: $125 milyan. Taa hore waxa soo caddeeyay guddi saddex geesood ah, oo ka koobnayd: Hanti-dhawrka Qaranka, Guddida dhaqaalaha iyo maaliyadda iyo qayb Wasaaradda Maaliyadda ah.

Waxa xaqiijin u baahan Lacagta Madaxtooyadu la wareegtay. Qodobka 90 ee Waajibaadka Madaxweynaha aanu jirin maamul lacageed. Maxaa lagu qabtay ama lagu isticmaalay?

Dhulkii iyo daarihii dawladda ee maamulkii hore iyo maamulkani iibiyeen ayaa jawaab u baahan: Maxaa loo iibiyay? Maxaa lagu iibiyay? Maxaa lagu qabtay lacagtii?

Adduunka faraha badan: ODOROSKA MIISAANIYADDA 2015KA iyo XISAAB-XIDHKII 2008 ilaa 2014.Kuwaas oo dhan: $ 794,510,452. Maxaa lagu qabtay? Side se loo qoondeeyay?

Dastuurku wuxuu sheegayaa in la horkeeno golaha xisaab xidhka muddo lix bilood gudaheed ah, hadaba xisaab xidhkii 2008 ilaa 2014 ee imika la keenay maxaa habsaamiyey? Ma waxa habsaamiyey hanti dhawrka mise shirgudoonka?

Dhisma yaashii cusbaa ee Miisaaniyadaha ku jiray;

$ 24,044,192. Wixii loo qoondeeyay:  Ma la dhisay?

Saxilnews.com
berbera2002@gmail.com

COMMENTS
Latest News