Saxilnews.com
Maxakamada Gobolka Maroodi Jeex Oo Xukun Ku Riday Wiil Bogga Uu Facebookga Ku Leeyahay Ku Dhaliilay Madaxweyne Muuse
April 16, 2018 - Written by indho indho

Hargaysa(Saxilnews.com)
Halkan hoose kaga bogo warkaas oo faahfaahsan

Maxakamada Gobolka Hargeysa ayaa Maxamed Kayse Bigeeye ku xukuntay xadhig dhan hal sano iyo lix bilood, ka dib markii bogga uu ku leeyahay Facebookga uu ku soo qoray erayo ka dhan ah madaxweynaha Somaliland.

Maxamed Kayse Biggeeye ayaa la sheegay in xadhigiisa iyo xukunka lagu riday saakaba uu ka danbeeyay ka dib markii uu boggiisa facebooku soo qoray erayo ay ka mid ahaayeen “Madaxweynaha Somaliland Waa Local” waxaana in muddo ah uu ku jiray xabsiga.

Ma jiro war rasmi ah oo intii uu xabsiga ku jiray xukuumaddu ay ka soo saartay, hasayeeshee Gelinkii hore ee Maanta ayay maxkamadu xukunkaasi ku riday.

<p< span=””>
</p<>

COMMENTS
Latest News