Saxilnews.com
MAXAD KA OG-TAHAY TAARIIKHDA FACA-WEYN EE MAGAALLADDA BERBERA!!!W/Q CABDI CASIIS BASHIIR NOR.
March 22, 2015 - Written by admin

Berberi  waxay leedahay xadaarad ka fac-weyn magaalloyinka kale, iyadoo lehna Dekad ugu wanaag-san Marin Biyoodka  Bada cas ka hooseya. Waana magaallo caanku ah xadaarad soo jireen ah oo anay la wadaagin magaalooyinka kale, ee Somaliland. Waa goobta keliyaa dhuunta uu ah laf-dhabarta dhaqaale ee Somaliland.sidoo kalenna waa magaallo Caanka ah Adduun-weynaha, maadaama oo ay leedahay xadaarad Fog.

Berbera waa magaalo caan ah, oo aad u da’wayn, sidaa ay ku tilmaaman tahay buugaagta taariikhda ee ay qoreen rag uu ka mid yahay Ibnu batuta. Waxa magaaladda deggan, dad ku dhow ilaa iyo 264,000 oo qof qoyaastii. waxanay tahay mid  sii kordhaysaa tiradda dadku. Jawiga magaalada aad ayuu u-kulushahay,

khaasatan xilliga xaggaga oo uu heerkul-ku gaaro illaa 45 degree.

Waqti ka hor Waxaa hoos u dhac ku yimid adeegsiga dekadda taas oo ay ka dambeysey xayiraadi Carabtu kusoo rogtey xoolihi soomaalida sanaadadii la soo dhaafay oo hada la furay . Shaqada ugu weyn ee hadda dekeda kala wado waxaa weye alaabta ay kala soo degto Dawladda Etoobiya kadib markii wadanka Eritrea ka go´day dalkaas, ka xidhayna xidhiidhka Badacas iyo adeeg-siigii Baddaha.

Dhanka kale,Magaalada Berbera waa illaha dhaqaale ee Soomaaliland waxaa ku taal Dekadda ugu wayn Soomaaliland ee ay ka soo dagaan wax la quuto wadanka oo dhan waana illa-ha uga wayn ee dhaqaaluhu ka soo galo dalka.

Waxaa ku nool magaalada Berbera Dadwayne shaqaale u badan waa magaalada kaliya ee aad odhan karto samayn kuma laha Shaqo la’aanta wadanka rakaadisay subaxnimada hore ee aroortii waxaad arkaysa dad-badan oo shaqo tagaya intooda badana ay ku sii qulqulayaa Dekada walow ay u badan yihiin muruqmaal ka xoogsada dekada. Xagga waxbarashada, Ardayda waxbarashada ku jiraa ma badna oo magaaladdu waxay leedahah dugsiyo hoose/dhexe iyo secondry iyo jaamacada Golis oo ah Jaamacad priveta ah sidaas darteed waxaan odhan karnaa xaga waxbarashada dhaqdhaqaaq sidaas u badan ma jiro marka aan barbardhigno Magaalooyinka Borama,Hargaysa iyo Burco.

Magaalada Berbera oo waqti hore loo yaqaanay “Malawo” waxay ka mid tahay magaalooyinka ay warbixinta faahfaahsan ka bixiyeen Richard Burton iyo Johnston -ba, waxayna labadooduba ku tilmaameen sebenadaa, inay magaaladu ahayd magaalo weyn, oo laga samayn jirey carwooyin ganacsi, gaar ahaan xilliyada magaaladu qabow-tahay. Qarnigii 19-naad horraan-tiisii ilaa dhammaadkiisii, magalaada Berbera dadka deggenaa waxay u badnaayeen Carab iyo Hindi. Balse waxa dadka ajaanabiga   ahaa “Abbaan”. dad soomaaliyeed, waayo suurtagal may ahayn in qof qalaad uu Abbaan la’aan ku dhex-joogo magaalooyinka xeebee-daada Somaliland. Nin la odhan jiray Drake-Brockman oo Somaliland ka qoray buug aad u faahfaah-san 1912-kii wuxuu ku qiyaasay tirada dadka Berbera inay u dhaxay-say 20,000 ilaa 40,000 xilliga qaboobaha, balse xilliga xagaaga ama kulaylaha ay tiradaasi hoos u dhac ku immaan jiray jirtay 5000-10,000 oo qof. Berbera waa dakeda ugu-wayn -Geeska Afrika.

 

Wallow aan lasoo koobi kareyn taariikhda faca-weyn ee lagu yaqaanno magaaladan. Oo ahayd meelaha geeska afrca ugu taariikhda fog ayaa la odhaan karaa haddana waa magaallo dacal ka araadan oo ay ku yar tahay dhismayaasha Cusub ama koriin-kubba. Waxa kale, oo jirtaa inay magaalladda Saaxil ay tahay magaallo Gur-yuhu qadiimi ku yihiin oo anay badneyd aqallada casriga ah. Balse waxaad arkeysaa, Guryo qadiimi ah oo dabaqyo badan.

 

W/Q Wariye: Cabdi casiis Bashiir Nor.

Tel: 4144434

c.casiis98@hotmail.com

Hargeysa/somaliland

COMMENTS
Latest News