Saxilnews.com
Maxaad Ka Ogtahay Xafiisyada Humaaga ah Ee lagu Hodayo Xisbiga Kulmiye Iyo Xidhiidhka Qotoda Dheer Ee Ka Dhexeeya Xildhibaan Nuux Maxamed Xuseen Iyo Hogaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan,
July 27, 2017 - Written by Siciid dalmar

Maxaad Ka Ogtahay Xafiisyada Humaaga ah Ee lagu Hodayo Xisbiga Kulmiye Iyo Xidhiidhka Qotoda Dheer Ee Ka Dhexeeya Xildhibaan Nuux Maxamed Xuseen Iyo Hogaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan,

Maamulihii Ugu Danbeeyey Waxa Tuulooyinka Teededsan Gobolka Togdheer Oo Ka Midyihiin Xood,Xayira, Iyo Kuwa Kale Laga Furayey Xafiisyo Maqaarsaara Ah Oo Aan Cago Adag Ku Taagnayn , Kuwaas Oo Lagu Khaldaayo Xisbiga Kulmiye Isla markaana Taageero Aan Xaqiiqada Ku Salaysnayn Loogu Muujinayo XisbigaKulmiye,

Xildhibaan Nuux Maxamed Xuseen Waxa Uu Ka Mid Yahay Golaha Deegaanka Degmada Burco , Waxaanay Isku Deegaan Ka Soo Jeedaan Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Wadani, Wasiirkii Horre Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Tacab Badan Geliyey Wakhtigii Uu Sharaxnaa Xildhibaan Nuux Oloolahana Ku Jiray ,

Waxaana Jira Xidhiidh Hoose Oo Ka Dhaxeeya Labadooda, Iyo Waxyaaba Badan Oo Ay Ku Heshiiyeen,Waxaanu Todobaadyadan Danbe Uu Ku Howlana Qorshayaal Uu Ku Minjo Xaabinayo Xisbiga Talada Dalka Haya Ee Kulmiye,

Deegaanada Xood Iyo Xayira Oo Laga Soo Doortay Xildhibaan Nuux Ayaa Waxa Safaro Is Daba Joog Ah Ku Tegay Xildhibaan Nuux Iyo Masuuliyiin Kale Oo Uu Ka Midyahy Gudomiyaha Xisbiga Kulmiye Ee Gobolka Togdheer Xasan Mataan,

Waxaana Xildhibaanku Magaalooyinkaa Ka Furay Xafiisyo Jajuub Ah Oo Anay Bulshada Deegaanadaasi Raali Ka Ahayn,Dadwaynaha Deegaankaasina Waxay Kala Horyimaadeen Diidmo Cad Oo Aan Gabasho Lahayn ,

Odayaal Iyo Waxgaradka Deegaanka Xayira Oo Ka Hadlayey Munaasibada Furitaanka Xafiis Uu Lidhibaanku Ka Furay Magaalada Xayira Ayaa Waxa Ay Shuruudo Adag Ku Xidheen Taageero Uu Kulmiye Ka Helo Deegaankooda, Waxaanay Iftiimiyeen Hadii Xisbiga Kulmiye Ka Soo Bixiwaayo Shuruudahaasi Inaanay Haba Yaraatee, Anay U haynin Cod Iyo Taageero Toona,

Xafiisyadan Xildhibaan Nuux Maxamed Xuseen Awooda Saaray Ee Lagu Magacaabayo Xisbiga Kulmiye Ayaa Waxa Uu Ku Dedayaa Isla markaana Daah Ku Saarayaa Xidhiidka Ka Dhaxeeya Isaga Iyo Hogaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Ay Si Hoose Uga Midaysanyihiin Taageerada Iyo Meel Marinta Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Wadani Oo Ay Isku Meel Ka Taaganyihiin,

Xogo Hoose Oo Aanu Ka Helay Shikhsiyaad Ay Isku Reer Yihiin Xildhibaan Nuux Ayaa Sheegaya Inuu Xildhibaanku Taageersanyahay Xisbiga Wadani Isla markaana Isaga Iyo Hogaamiye Xirsi Ay Ku Heshiiyeen Marin Habaabinta Xisbiga Kulmiye Si Uu Xisbiga Wadani U hanto Taageerada Iyo Codka Deegaanada Ay Ka Soo Jeedaan Maarka Laa Gaadho Wakhtiga Doorashada,

Si kastba Ah Ahaate Waxa Laga War Sugayaa Xiliga Uu Xisbiga Kulmiye Fahmi Doono Dabinada Iyo Qorshayaasha Siyaasadeeda Ee Ay Sida Wada Jira Ugu Maleegayaaan Xildhibaan Nuux Maxamed Xuseen Iyo Hogaaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Ee lagu Minjo Xaabinayo Taageerada Iyo Codkii Uu Xisbiga Kulmiye Ka Heli lahaa Deegaanada Ay Ka Soo Jeedaan,

 

Qalinkii Weriye Dalmar

COMMENTS
Latest News