Saxilnews.com
Maxaad Ka Ogtahay In Uu Eden Hazard U Soo Ciyaaray Barcelona, Xitaa Cadayn Ayaa La Helay.
June 18, 2019 - Written by editor

Xiddiga Eden Hazard ayaa dhawaan ku biiray kooxda Real Madrid taas oo soo afjartay hadal hayn socotay muddo 2 sano ah oo xiddiga reer Belguim lala xiriirinayay Los Bancos xilli uu ku rajo in uu qaab ciyaareed fiican in uu qaab ciyaareed fiican la soo bandhigo kooxdiisa cusub laakiin ka waran hadii aan kuu sheego in uu horay ugu soo ciyaaray Barcelona?

Sawir la helay Eden Hazard oo caruur ah waliba xidhan maaliyada kooxda Barcelona ayaa la helay taas oo lama filaan ku Noqtay dad badan xilli sawirka uu helay wargayska Diario Gol kadib markii uu 28 jirkan dhamaystiray ku biiristiisa kooxda Real Madrid.

“Riyadayda ayaa ahayd in aan u ciyaaro Real Madrid tan ilaa markii aan da,yarka ahaa, haatan markii aan halkan imid waan in aan ku raaxaysto daqiiqad kasta”ayuu yidhi Hazard intii la soo bandigayay xiddiga.

Maaliyada uu xiddiga reer Belguim xidhan yahay ee Barcelona ayaa ah maaliyadii ay kooxda Barcelona ku ciyaari jirtay dhaadkii sanadkii 1990 taas oo ah maaliyada taariikhi ah.

Sawirka ayaa muujinaya Eden Hazard oo tababarka ku qaadanaya maaliyda Barcelona taas oo cadayn u ah in uu Hazard u soo ciyaaray kooxda ay sida weyn u xafiiltamaan Real Madrid ee Barcelona inkasta oo ayna cidna ogayn markii hore.

A young Eden Hazard playing in Barcelona colours

Sponsored by Revcontent

COMMENTS
Latest News