Saxilnews.com
Maxaa Keenay In Gudoomiye Muuse Biixi Soo Abaabulo Koox Dagaal Gacan-Ka-Hadal Ah Ku Qaada Dad Bir-Magaydo Ah
September 27, 2015 - Written by admin

Hargaysa:( saxilnews)-Gudoomiyaha Xisbiga Taladda haya ee KULMIYE,ayaa maalintii shalay ku kacay fal-ka-fog dadnimadda iyo Xisaanadda Masuuliyeed ee Umadda u hayo,isla-markaasana si weyn u dhaawacday Kalsoonidda ay Umadda Reer Somaliland ku qabto inuu Dalka hogaamin karo. Gudoomiyaha,ayaa waxa uu si weyn uga soo shaqeeyay inuu Koox Dhalinyaro ah oo ay Isku-beel-yihiin,isla-markaasna uu usoo dhameeyay dhamaan Tasiilaadkii ay u baahnaayeen ay Gurri ku yaalla Magaaladda Hargaysa ku weeraraan Siyaasiyiin,Salaadiin,Culimo-udiin iyo Waxgarad kale oo rabay inay Xalay Fiidkii la kulmaan Madaxweyne Siilaanyo,taas oo la wariyay inay kala hadlayeen in si xor ah loogu dhex-tartamo Musharaxa Jagadda Madaxtinomo ee Xisbiga KULMIYE,kaas oo la filayo inay Doorashaddaasi dhacdo Bisha 11-aad ee Sanadkan aynu ku jirno. Waxa isa-soo-taraya Kalsooni-daradda ay Qeybaha Bulshadda oo ay ku jirto Beesha uu kasoo jeedo Muuse Biixi Cabdi,ay ka muujinayaan Suura-gal-nimadda inuu Hogaamin karo Dal Curdin ah oo u baahan in Dadkii laysku waddo,waxaana taas sii yaraynaya Af-caasha aan haboonayn ee kasoo fulisay Gudoomiye Muuse Biixi oo ay dadbadani Sallug-sanyihiin Hab-dhaqankiisa guracan.Waxaana dadka sida weyn u yaqaanaa sheegayaan in Muuse aanu ahayn Masuul ku dhaqma Talo-wadaag iyo in Dadka la dhegaysto,balse oo yahay Shaqsi raba in sida uu doonayo ay wax ugu socdaan.

 

 

saxilnews005@gmail.com

COMMENTS
Latest News