Saxilnews.com
Maxaa Faa iido Ugu jirta Gobolada Awdal / Salal Macdanta la leeyahay waxa laga dhoofinayaa sanadkan Buurta Siimoodi: Qalinkii : Maxamed Cabdi Cumar
December 12, 2015 - Written by admin

Borama (Saxilnews.com)-Sanadahan dhawayd  ama dhawrkii sano ee  aan soo dhaafnay waxa soo noq noqonaysay macdanya  laga qodayo  Buurta Siimoodi  hadal haynteeda  iyo isku qab qab sigeeda  arintaas oo marba marka kadanbaysa sii xoogaysanaysay kahadalkeedu , hadana  arintii waxay sii maraysaa inlayidhaahdo waa la dhoofinayaa. Waxa kale oo jirta in  hada  ay kabilaabantay inarintii  Awdal kajirtay arin lamidihina aykasocoto Gobolka Sool  ee cidhifka  kale ee S/land.

Hadaba akhriste su aasha meesha taalaa ee la iswaydiinayaa  waxa weeyi Somaliland ama beesha dhexe waxa qorshaysatay in ay boobto  khayraadka ku jira gobolada  cidhifyada  iyaga oo dib udhiganaya khayraadka ku jira goboladooda  mise deegaankooga ayaanu ku jirin wax khayraad ahi.

Hadaynu ku horayno ta  takhayraaka baadhista  ama soosaarista iyodhoofinta horta waa in la cadeeyaa  nooca macdanta ama khayraad ah ee meeshaku jira,qiimihiisa  qaabka  soo saarista ,dhanka kale waain la cadeeyaa dhibaatada  uu leeyahaykhayraadka ku jira meeshu hadii lasoo saaro.arimahaasimarka la kala cadeeyo hadana waxa loo daadagayaa arimahan hoosku qoran.

  1. Waa qaabkee qaabka loo soo saarayaa ama loobaadhayaa khayraadka?
  2. Maxaa faa,iido ugujirta degmada ama Gobolka laga heloKHyraadka?

1.waa in la fahansiiyo ama la cadeeyo faa iidada  ugu jirta  umada Somaliland  dhamaanteed  oo aanay noqon wax gacanta ugu dhacda cidgaar ah  ama ay ku takri falaan  shaqsiyaad gaar ahi bulshada kale somaaliland  dhamaanteed  aan waxba laga ogaysiin taasina waa ta markasta keenta kacdoonka bulshada iyo isnacaybka abuurma markasta oo arimahaa faraha lala galo ama  lasooqaado. Waxa intaas dheer in wasaarada macdanta dhaqamadeedu  ay kaduwantahay nidaamka wasaaradaha kale ee s/land ku shaqeeyaan waxayna wasaaradu cadaysay in aan wax dhaqaalo ah aanay kubixin  Gobolada dalka oo dakhliga oo dhan lagu cuno hargaysa  waxaana  kuu  cadaynaysa  in uu sheegay  Agaasimaha  Guud  ee wasaarada macdantu uu sheegay in aaanay wax waaran ah udirin  Gobolada dalka, taasisina waa ta kuu cadaynaysa musuqmaasuqa wasaarada macdanta ka dhex jira

2.tan labaad  waa tan ugu daran  uguna saamaynta xun  waa dagaankii  khayraadkan laga baadhayay  amaDegmadi iyo Gobilkii laga baadhayay ama laga soo saarayay maxaa faa,iido ugu jirta ,maxaa usoo kordhaya  marka laga soo saaro macdantan ama khayraadkan.

A.Gobolka, hadaynu tusaale usoo qaadano  gobolka Awdal oo hada la leeyahay waa la dhoofinayaa  macdantii laga helay  Malaga dareemay waxaa laleeyahay waa ladhoofinayaa ama bulshada reer Awdal wax ma ka soo gaadheen, waa maya jawaabtu ,iskaba dhaaf bulshada gobolkee  wali Borama dhexdeeda kuma aan arag gaadhi wasaarada macdantu leedahay oo wali dhexsocda  in taa aan ka iftiimiyayna waxan umalaynayaa in ay  kaaga filantahay fahan xaqiqada jirta.waxa jirta in wasaarada macdantu ay ku kacday arin aan waligeed dhicin ama caalamka lagu arag oo ah dulmi kii ugu xumaa  in xafiisgaara looga furay hargaysa  waliba  kudarsoo hadana  waxa la sameeyay   maamulaha Buurta siimoodi , arintaas oo  ah arin ay aad uga cadhaysanyihiin bulshada reer Awdal.

  1. B) ta dagmada ama dagaanka macdanta ama khayraadka laga helay cid wax iska waydiinasa ama hadalhaysaa haba yaraatee maba jirto , arintuna waxay umuuqataa uun boob khayraadkii umada lagu hayo oo aan cid udanaynaysaa aanay jirin bulshada danyarta ah iska dhaaf wax kale oo Deg mada Baki ee laga helay macdantaa intaa lee gee la leeyahay waa ladhoofinayaa halqof oo shaqaale ah kama joogo wasaarada macdanta , wax kale oo deegaanka ama dagmada kasoogala iyada warkeedaba reeb  iska dhaaf wax kale Gaadhi  Ambulance  qofka xanuunsanaya ama hooyada umul iskugu dhimanaysa  lagu soo qaado malaha Degmada Baki ee la leeyahay macdantii  laga helay ayaa la dhoofinayaa caafimaadkale warkiisaba reeb.

Lasoco Qaybaha danbe …………………………………………

 Qalinkii : Maxamed    Cabdi  Cumar

COMMENTS
Latest News