Saxilnews.com
Maurizio Sarri Oo Maamulka kooxdiisa Cusub U Sheegay In Ay U Keenaan Laba Xiddig Oo Chelsea U Ciyaara.
June 17, 2019 - Written by editor

Tababaraha Cusub ee kooxda Juventus ee Maurizio Sarri ayaa weerar ku qaadaya kooxdiisii hore ee chelsea maalmo kadib markii uu noqday tababaraha cusub ee kooxda Juventus.

Tababare Maurizio Sarri ayaa doonaya in uu kooxda chelsea kala soo wareego xiddiga khadka dhexe ee Jorginho iyo daafaca Bidix ee Emerson Palmieri kulana midoobo kooxda Juventus xagaagan.

Advertisement

Maurizio Sarri ayaa noqday tababaraha cusub ee Juventus waxana uu wargayska The Times sheegaya in uu maamulka Kooxdiisa u sheegay in ay u keenaan labada xiddig xagaagan.

Jorginho ayaa ah xiddig uu Sarri taageero weyn u yahay isaga oo kala soo shaqeeyay Napoli ka hor inta uuna kula midoobin kooxda chelsea xagaagii hore.

Daafaca Bidix eeEmerson ayaa dhanka kale noqday daafaciisa bidix ee ugu muhiimsan intii uu Joogay Chelsea isaga oo soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.

Laakiin Sarri ayaa doonaya in uu labadaas xiddig ku dhiso kooxdiisa cusub ee Juventus xilli ciyaareedka dambe waxana uu dalbaday in loo keeno xagaagan

COMMENTS
Latest News