Saxilnews.com
Masuulkii Kowaad Ee Ku Suntanaa Soo Dhawayntii Musharax Muuse Biixi Cabdi Bariga Iyo Galbeedka Gobolka Saaxil Maayar Cidin
July 20, 2017 - Written by admin

Berbera (Saxilnews.com)-Tan iyo maalintii uu mujaahid Muuse Biixi Cabdi Musharax Jagada Madaxwayne Ee Xisbiga Kulmiye soo cago dhigtay Deeganada Bariga Saaxil kana soo laabtay socdaalkii dheera ee uu ku maraayey deeganada Hawdka Gobolka Togdheer

Waxaa si wayn ugu heelanaa soo dhawaynta iyo tageerada xisbiga kulmiye shacabka iyo maamulada kala duwan ee deeganada Gobolka saaxil gaar ahaana deeganada Bariga oo kusoo horeeyey maadama uu Burco kasoo baqoolay gudoomiyaha iyo waftigiisa ayaa si balaadhan loogu soo dhaweeyey deeganada Galloolay ,Dubur ,Sheekh , Hudisa Geellookor ,Iyo laalays ,

Waxaana soo dhawayntaasi abaabulkeeda maamul iyo maskaxeedba qorsheeyey oo lahaa Gudoomiyaha Golaha Deeganka Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Cidin) oo wakhti badan ku bixiyey sidii loo soo dhawayn lahaa Gudoomiyaha Xisbul Xaakimka Kulmiye Iyo Waftigiisa gudoomiye Cidin ayaa safar dhaadheer ugalay una habeen dhaxay deeganada qaarkood sidii uu shacabka Gobolka Saaxil ugu baraarujin lahaa tageerada Xisbiga Kulmiye Maayar Cidin waxaa ka masuul yahay Dawlada hoose Ee Berbera oo ah haayada labaad ee Dakhli soo saar balse waxaa uu xoog utabay oo meesha ka baxday Dekedii Berbera  oo ahayd ta kaliya ee tageerta maamul iyo mansab ahaanba Deeganada kala duwan ee gobolka Saaxil taasi oo aan marnba shaashadaha iyo shaahid toona loo arag Mareeyaha Ku Magacaaban Dekeda Berbera Axmed Yuusuf Dirir taasi oo la tabay tageeradii iyo maamulkii Dekeda Berbera oo hore saamayn wayn ugu lahaan jirtay hawlaha abaabulka iyo isku dubaridka duufanada siyaasada taasi oo marwalba kaabiga saari jirtay sidii shacabka Gobolka Saaxil iyo xukuumadu uwada shaqayn lahaayeen waagii uu Dekeda maamuli jiray Mareeyihii cimriga dheere Cali Xoor xoor

Soo dhawayntii maalintii labaad ee Deeganada galbeedka Gobolka saaxil gaar ahaana Deeganada Abdaal Iyo Dacrbudhuq ayaa ahayd mid ku kaliyoobeen Mayar Cidin iyo Mareeyihii hore ee Dekeda Berbera Xoor xoor iyo shacbi ay wataan halka la baadigoobayey Mareeyaha Dekeda Berbera ee wakhtigan

Talaabadani ayaa umuuqtay maadama ay Maamulkii Dekeda Berbera ay xusbigii ka gaabiyeen  isla markana ay noqdaan kuwo aan hanan karin bulshada ay matalaan inay kalifto inay ka fanjeedidoon kumanaan kamid ah tageeryaasha Xisbiga Kulmiye ee Deeganada Galbeedka Gobolka Saaxil taasi oo loo garab saarayo gaabiska iyo habyac xoogan oo ka muuqda Maamulka Sare ee Dekeda Berbera

Arinta yaabka leh ayaa ahayd inuu Mareeyaha Dekeda Berbera oo ka gurguurto baahiyo lasoo hordhigay oo ka taagnaa magaalada Sheekh Abdaal taasi oo isla markiiba ka jawaabay Maayarka Berbera Cabdishakuur Cidin isagoo halkaasi ka dhagax dhigay Guri loogu tallogay marti (Guest House ) halkuu sidoo kalena ku deeqay booyad ah nooca Biyaha qaada kuwaasi oo hore uga cudur daartay Mareeyaha Dekeda Berbera Axmed Yuusuf Dirir

Dhanka kale mareeye Xoorxoor ayaa umuuqday mid kasoo mudhay soo dhawayntii Musharax Muuse Biixi Cabdi oo maalintii shalay ahayd si aan la arrag loogu soo dhaweeyey deeganada kala duwan ee Gobolka Saaxil laga soo bilaabo Deeganka Qoyra ee Xarunta Degmada laasgeel ee Dacar budhuq arintani ayaa umuuqtay kacdoon dadwayne oo la xidhiidh tageerada iyo guusha Xisbiga Kulmiye ee mustaqbalka dhow

COMMENTS
Latest News