Saxilnews.com
MASUULIYIINTA XISBIGA WADANI EE DEGMADA ARABSIYO OO GOLAHA GUURTIDA U SOO JEEDIYAY IN AANAY XUKUUMADDA MUDDO DHEERAAD AH UGU DARIN
May 8, 2015 - Written by admin
Masuuliyiinta Xisbiga Wadani ee Dagmada Arabsiyood iyo Taageerayaashooda Ayaa baaq kasoo saaray,arinta Doorashada Soomaaliland Taasoo waa siday hadalka udhigeene ay Ugu baaqeen Golaha Guurtida ee Soomaaliland inaanay Aqbalayn in lagu daro Maalin,Mudada Farsamo ee ay ku heshiiyeen Xisbiyada Qaranka iyo Komishanka Doorashooyinka Soomaaliland.
Waxaanay ugu Baaqeen Gudoomiyaha Golaha Guurtida Soomaaliland oo ay usoo jeediyeen inaanu baal marin Sharciga Uyaala dalka,Waxaana ugu horayn halkaa ka hadlay Gudoomiye Ku Xigeenka Xisbiga Wadani ee Dagmada Arabsiyood Maxamed Nuux waxaana hadalkiisii kamid ahaa maanta waxaanu shirkan uqabanay inaanu ka cadayno Mawqifkayaga ku aadan doorashada inaanu taageesanahay Goaankii uu Xisbigayagu ka qaatay arintii Doorashada taasoo ahayd Mudada farsamo ee gudida doorashadu ay soo jeedisay ee ay Xisbiyaduna  isku waafaqeen.

waxa kaloonu kasoo hoejeednaa wixii intaa dhaafsiisan ee dhaawaca inagu keenaya ee uu wado Gudoomiye saleebaan waa Siduu hadalka udhigaye,dhamaan dadkii halkaa ka hadlay oo Runtii dhamaantood Si isku Mida uqaadacay In Maalin Lagu daro Maalin. Guntii iyo gabagabadii waxasoo afmeeray Gudoomiyaha Dagmada Arabsiyo Ee Xisbiga Wadani Guuleed Maxamed cabdi waxaana ka mid ahaa hadalkiisa,waxaanu Maanta anaga iyo taageerayaashayadiiba muujinaynaa Mawqifkayaga kaga Xaga Doorashada taasoo aanu Cadaynayno inaanaan dulqaadanayn inuu Gudoomiye saleebaan oo lagu yaqaan Inuu yahay Nin xagliya,uu sharciga Ilaaliyo oo aanu maalin ku darin Mudadaa komishankiyo Beesha caalamka iyoXisbiyada Qaranku isla garteena uu Ixtiraamo Hadii uu ixtiraami waayana uu kala Kulmi Cawaaqib xumo waa siduu hadalka udhigaye

SaxilNews.com

COMMENTS
Latest News