Saxilnews.com
Masuul- Sarre Oo Ka Tirsan Xukumadda Siilanyo Oo U Sharaxan Aqalka Sarre Ee Somaliya + Xilka Uu Hayo Iyo Cidda U Ololaynaysa
January 21, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Muqdisho(Saxilnews) Masuul Sarre Oo Ka Tirsan Xukumadda Siilaanyo Ayaa Waxaa uu U Sharaxan Yahay Siddii Uu U Noqon Lahaa Guddoomiyaha Aqalka Sarre Odoyaasha Somaliya.

Masuulkan Oo Lagu Magacaabo Mustafe Maxamuud Qodax Ayaa Ah Maareeye- Ku Xigeenka Tvga Qaranka Somaliland,

Waxaanu Ku Guulaystay In Uu Noqodo Xubin Ka Tirsan Xildhibaanadda Aqalka Sarre Ee Somaliya.

Xidhibaan Mustafe Ayaa Haddii Uu Ku Guulaysto Kursigan Waxaa Uu Noqonayaa Musuulka Ugu Darajadda Sarreeya Ee Ka Soo Jeeda Somaliland.

Masuulkan Ayaa Waxaa U Ololaynaya Madaxwaynaha Somaliya Iyo Xubno Kale Oo Laga Tixgaliyo Guddaha Muqdisho.

Xukumadda Somaliand Ayaa Wali Masuulkan Xilkii Ka Qaadin,

Wolol Warar Hoose Sheegayaan In Ay Xukumadda Laftirkeedu Dirtay Masuukan.

 

COMMENTS
Latest News