Saxilnews.com
MASUUL REER SAAXILA OO AWOODA IYO MAGACA XISBI-XAAKIMKA KULMIYE KU BURBURIYEY,CAGTANA KU MARIYEY HANTI DAD MUWAADININ AHI LEEYIHIIN!.
April 21, 2015 - Written by admin

Masuul Reer Saaxila oo awooda iyo Magaca xisbi-xaakimka kulmiye ku burburiyey,Cagtana ku mariyey Hanti dad muwaadinin ahi leeyihiin!

Berbera–Sida dad xogogaal ahi u sheegeen Warfidiyeenka Qarannews xog-hayaha xisbiga Kulmiye ee gobolka Saaxil Cali Yuusuf (Cali haloo kaco) ayaa isagoo adeegsanaya awood xisbi xaakim iyo Taliyaha ciidanka Dekeda Berbera oo ay isku Ardaa yihiin cagta mariyey oo burburiyey hanti gaar loo leeyahay siiba Seesas sharciya ama sharciga waafaqsan oo ay leeyihiin Dad muwaadinina oo reer Saaxila.

Xog-hayaha ayaa sida la soo weriyey isagoo ku goodiyayaaya luuqad qabiil ama hayb qabiil ku tiraabay Reer bebel iyo Reer hebel ma degi karaan ama Dhul kuma yeelan karaan Galbeedka Berbera ee Sheikh iyo Buuraha haku noqdaan.

Geesta kalena waxaa la sheegayaa in Maayarka Berbera Cabdishakuur Ciddin iyo Taliyaha Qaybta Booliiska Berbera amreen ina la soo qabto Xog-hayaha Xisbiga Kulmiye ee Saaxil oo ah ninkan Hantida dadka burburiyey ee doobyaaya  balse taasi may dhicin ka dib markii uu si dadban uga warwareegay soo qabashada ninkaa Taliyaha saldhiga loo diray inuu soo qabto oo ah Sarkaal ay isku Jufo ka soo jeedaan.

Qarannews

COMMENTS
Latest News