Saxilnews.com
Markab Laga Leeyahay Dalka Imaaradka Carabta Oo Dekada Berbera Ku Soo Xidhay +  Maxuu Sidaa
May 28, 2017 - Written by suxufi
Berbera (Saxilnews):- Waxaa dekada magaalada Berbera ku soo xidhay markab laga leeyahay dalkaImaraadka carabta kaas oo sida deeq raashin ah oo loogu talo galay dadka ay abaaruhu ku dhufteen

 

Markabkan ayaa raashinka uu sido waxaa lagu sheegay in uu gaadhaayo 1700 tan , waxaana sidaasi shaacisay dawlada Imaraadka Carabta

Deeqdan Gar gaarka ah ayaa waxaa bixisay hay’ada Khalifa bin Zayed Al Nahyan Foundation waxaana loogu tala galay dadka ay abaaruhu sameyeen eek u nool deeganada Somaliland

Waxaana uu markabkani ka soo shiraacdey dekada Hamriyah waxaana la filayaa in qeybinta raashinkan ay ka qeyb galaan Guddi kasocda dowladdda Imaaraadka Carabta

COMMENTS
Latest News