Saxilnews.com
Markab ay leeyihiin ciidamada Badda Ee Mareykanka Oo Shil Galay
June 17, 2017 - Written by suxufi

 

Todobo kamid ah ciidamada badda ee Mareykanka oo sarnaa Markab dagaal oo la yirahdo USS Fitzgeralds ayaa la la’yahay kaddib markii markab ay sarnayeen uu ku dhacay Markab kale oo siday xamuul oo ku sugnaa xeebaha dalka Japan.

Dadka ku dhaawacmay shilkani waxaa la sheegay inuu kamid yahay taliyaha ciidamaadii sarnaa markabka oo markii dambe loola cararay cisbital, waxaana uu shilkani ka dhacay meel 104 kilomitir dhanka koonfureed kaga began magaalada Yokosuka ee dalka Japan.

”Taliyihii ciidamadii sarnaa markabka xaaladiisu waa ay ka soo reyneysaa, waxaana la geeyay cisbitaal ay ciidamada Mareykanka ku leeyihiin magaalada Yokosuka”, waxaa sidaasi sheegay sarkaal katirsan ciidamada badda ee Mareykanka.

Sawirro laga qaaday goobta uu shilka ka dhacay ayaa muujinaya burubur baaxad weyn oo soo gaaray markabka ciidamada Mareykanka.

Markabka xamuulka ee shilka galayLahaanshaha sawirkaEPA
Image captionMarkabka xamuulka ee shilka galay

Waxaana sidoo kale shilkan ka dhacay biyaha dalka Japan ku dhaawacmay labo katirsan ciidamada badda ee Mareykanka oo sarnaa markabka, balse markii dambe lagu la cararay diyaaradaha sida qumaatiga u kaca ee Helikobtarada.

Goobta uu shilka ka dhacay ayaa hadda ah mid aad u mashquul badan, madaama ay marin u tahay maraakiibta u socda caasimada Japana ee Tokyo.

Goobta uu shilka ka dhacayLahaanshaha sawirkaEPA
Image captionGoobta uu shilka ka dhacay

Markabkan dagaal ee shilka galay oo la yirahdo USS Fitzgerald ayaa lagu tilmaamay inuu yahay mid kamid ah maraakiibta ugu casrisan Mareykanka ee dhanka dagaalka, waxaana ku rakiban baa la yiri qalab casri ah oo uu kamid yahay radaar la socda dhaqdhaqaaqa howlaha markabka.

Ilaa iyo hada ma cadda waxa sababay shilka, balse sarkaal u hadlay dowlada Japan waxaa uu sheegay in ay baarayaan qaabka ay wax u dhaceen.

Xigasho Bbc

COMMENTS
Latest News