Saxilnews.com
Mareykanka Oo Hada U Hanjabey Kuuriyada Waqooyi , Ciidamo Military Ah Oo Xuduuda La Keenay Iyo Saansaan Dagaal Oo Muuqata + Sawiro
April 17, 2017 - Written by suxufi

USA (Saxilnews):- Madaxwayne ku xigeenka dalka Maraykanka, Mike Pence, ayaa ka digay inmiiska ay saaran yihiin dhamaan talaabooyiinka lagula tacaalayo Kuuriyada woqooyi.

Image may contain: 2 people, people standing and outdoor

Wuxuu hadalkan jeediyay mar uu boqoday xuduuda labada kuuriya ee militiriga badan ay jogaan .

Mr Pence ayaa sheegay in waqtigii xeeladaha dulqaadka ee Kuuriyada wuqooyi ay dhamaadeen .

 

Hasa yeeshee waxa uu sheegay in madaxwayne Trump uu cadeeyay in uusan ka hadalin talaabo militari oo gaar ah .

Mr Pence oo aabihii uu ka mid ahaa ciidamada Maraykanka xiligii dagalkii Kuuriya ayaa sheegay in Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed uu ka dhaxeeyo xidhiidh qota dheer.

Image may contain: 3 people

Booqashada madaxwayne ku xigeenka Mareykanka ayaa imaanayso ka dib tijaabo gantaal ooay ku guuldaraysatay Kuuriyada wuqooyi.

Image may contain: one or more people, people standing and outdoor

Si Kastaba ha ahatee waxaa hada muuqata saasaan coladeed oo ka dhex qaraxda dalalka Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi

Image may contain: 3 people, people standing

 

COMMENTS
Latest News