Saxilnews.com
Maraykanka Oo Soo Bandhigay Nooca Xidhiidhka U Dhaxeeya Kuuriyada Waqooyi
October 1, 2017 - Written by Faysal Aadan

Maraykanka Oo Soo Bandhigay Nooca Xidhiidhka U Dhaxeeya Kuuriyada Waqooyi

Xoghayaha(saxilnews.com) arrimaha dibadda ee dalka Mareykanka Mr Rex Tillerson ayaa sheegay in xidhiidh dadban ama aan toos ahayni u dhaxeeyo Kuuriyada waqooyi.

Mr Tillerson oo dalka Shiinaha u jooga sidii uu ula kulmi lahaa madaxweynaha dalkaasi Xi Jinping iyo saraakiil kale ayaa waxaa kale oo uu sheegay in Washington ay in muddo ah raadineysay suurtagalnimada wada hadal dhexmara iyaga iyo xukuumada Pyongyang.

Waxaana wararka qaar ay sheegayaan in xoghayuhu uu ka shaqeynayo sidii loo dhaqan gelin lahaa cuna qabateynta saaran dalka Kuuriyada Waqooyi.

Dalalaka Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi ayaa dhowrkii sanno ee la soo dhaafay isku maandhaafay gantaalada ay

tijaabisay dalka Kuuriyada Waqooyi.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa ugu hanjabay xukuumadda Pyongyang inuu baab’inayo, kaddib markuu Kuuriyada Waqooyi ay tijaabisay dhowr gantaal, taasi oo Mareykanka uu sheegay inay khatar ku tahay nabadda caalamka.

Gantaalada ay tijaabisay Kuuriyada Waqooyi ayaa waxaa cambaareeyay dalal badan oo caalamka, waxaana taasi ay horseeday in golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uu cunaqabateyn kusoo rogo dalkaasi.

Waxaase ilaa iyo imika aan la garaneyn xidhiidhka  dadban ee Mareykanka uu sheegay in uu la leeyahay Pyongynag.

 

COMMENTS
Latest News