Saxilnews.com
Maraykanka oo safiir ka dhigay nin taageersan deegaamaynta Israa’iil ee dhulka Falastiiniyiinta
March 24, 2017 - Written by Cabdiqani Deeq

[Saxilnews.com]Aqalka Senate-ka ayaa meelmariyay in David Friedman uu noqdo safiirka cusub ee Maraykanka u fadhiya Israa’iil.

Xubnaha u codeeyay ayaa ahaa 52 waxaana meelmariyay 46, inkastoo ay ka soo horjeedsadeen xubnaha xisbiga Dimuqraaadiga.

Friedman oo mar Donald Trump u soo noqday gareen ayaa aad uga soo horjeeday hadafka Maraykanka ee ah xalka labada dawladood ee Israa’iil iyo Falastiin.

Waxaa kale oo uu taageeray deegaamaynta ay Yuhuuddu ka wadaan dhulka lahaysto ee Daanta Galbeed, wuxuuna taageeray in safaaradda Maraykanka loo raro magaalada Qudus.

Qaramada Midoobay ma aqoonsana in Qudus ay caasimad u tahay Israa’iil, wakhti dheerna safaaradda Maraykanku waxay ku taalay magaalada Tel Aviv.

COMMENTS
Latest News