Saxilnews.com
Man City Oo Wali Sii Wada Ku Digashadii Kooxda Man United, Xiddig United Ah Ayay Si Maldahan Kabaha Ula Dul Mareen
December 19, 2017 - Written by editor

Kooxda Man city ayaa wali sii wada ku digashadii iyi ka maadaysigii kooxda ay magaalada Manchester ku xafiiltamaan ee Man United iyaga oo marka ku digtay xiddig ka mid ah kooxda Red Devils.

Man City ayaa markan ku digatay xiddiga khadka dhexe ee Marouane Fellaini iyaga oo bogooda Twitter-ka ee qaybta luuqada France ku baxa uga maadsaday.

Boga Twitter-ka ee kooxda Man city ayaa soo dhigay sawir xiddiga kooxda ee Leroy Sane oo qaadanaya tababarka ka hor kulanka caawa ay la ciyaari doonaan iyaga oo ku soo qoray “hadii aad garato qofka qiiqu qariyay waxa aad tahay qof aan lagu ciyaari karin”.

Maadama uu xiddiga reer Germany ee Leroy Sane aad u timo weyn yahay una timo eg yahay marka uu sii jeedo Fellaini taageere ayaa soo qoray “Fellaini”.

Boga Man city ee Twitter-ka ayaan ka laba labayn in uu ku digto xiddiga khadka dhexe ee Man United isaga oo taageerihii ugu jawaabay” maya Waa ciyaar yahay” qoraalkaas ayaa la share-gareeyay ama la saaray calaamada cajabinta kumanaan jeer oo ay sameeyeen taageerayaashu.

Arintan ayaa imanaysa maalmo kadib markii xiddigaha kooxda Man city ku heesayeen “Baska Dhigo” kadib markii ay guusha weyn ka gaareen kooxda Tottenham.

Kooxda Man City ayaa si raaxo leh u ciyaaraysa horyaalka premier league maadama ay 11 dhibcood oo cadaan ah ku hogaaminayaan

COMMENTS
Latest News