Saxilnews.com
Magacyada Mas’uuliyiin Cul-culus Oo Ku Geeriyooday Weerarkii Saaka Lagu Qaaday Hotel Saxafi
November 1, 2015 - Written by admin
Muqdisho (SAXILNEWS)_Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhitnay, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen weerar is-miidaan ah oo ka dhacay hotel Saxafi ee badhtamaha magaalada Muqdisho.
Gaadhi waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey ayaa lagu qarxiyey irrida hore ee Hotel Saxafi, kaddibna waxaa la is-weydaarsaday xabbado ilaaliyaashii hotelka Saxafi.
waxyar kadddib ayaa isna waxaa ka dhacay qarax labaad isla hotel Saxafi. Weerarka Hotel Saxaafi Mas’uuliyiinta wax ku noqday waxaa ka mid ahaa .
  1. Xildhibaan Abtidoon Koofi Shabaq oo la sheegay inuu dhintay,inkastoo aan la Xaqiijin.
  2. Generaal C/kariin Yuusuf Dhagabadan abbaan-duulihii hore ee ciidadamada xoogga dalka Soomaaliyeed. Sidoo kale Wararka ayaa sheegaya in
  3. Xildhibaan Xasan Abshir Faarax oo Maalmo ka hor Xilkaasi ku Wareejiyay Wiil uu dhalay inuu ku Geeriyooday Weerarka. Waxaa sidoo kale la tilmaamay inuu dhaawacmay General Gacmo duule oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Xoogga. Waxaa kale oo ku dhintay weerarkan
  4. Mulkiilihii hotel Saxafi Cabdirashiid Il-Qayte Sidoo kale Wararka ayaa sheegaya in ilaa 20 Qof oo Weerarka ku dhaawacantay la dhigay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.
qaraxan ayaa waxaa sheegatay kooxda xarakatul mujaahidiin AL-Shabaab ee ka dagaalanta koonfurta dalka Somaliya.

 

COMMENTS
Latest News