Saxilnews.com
Magaalo Afrika Ku Taalla Oo Noqotay Magaalada Ugu Qaalisan Caalamka + Sawiro 
June 21, 2017 - Written by suxufi

Angola (Saxilnews):- Magaalada Luanda ee caasimadda u ah dalka Angola ayaa noqotay magaaladaugu qaalisan caalamka ee ay dad ajnabi ah ku noolaadaan, waxayna kaalintaasi kala wareegtay magaalada Hong Kong oo hadda kaalinta labaad gashay.

Image may contain: sky and outdoor

Waxay xogtaasi ka soo baxday qiimayntii 23aad ee lagu sameeyo qiimaha nolosha oo ay samaysay shirkadda Mercer.

Labadaas magaalo waxaa shanta kaalmood ee hore ku weheliya Tokyo, Zurich iyo Singapore.

Magaalada London ayaa dib ugu dhacday kaalinta 30aad, waxaana arrintaas qayb ka ah qiimaha lacagta giniga ah oo hoos u dhacday, iyadoo magaalooyinka waawayn ee UK ay sidoo kale hoos u dhaceen.

Image may contain: skyscraper, sky, outdoor and water

Qiimayntan sannad laha ah waxaa lagu eegaa waxyaabo ka baxsan kirada guryaha ee ay ajaaniibtu kiraystaan.

Magaalo kaste waxaa laga qiimeeyaa 200 oo shay oo ay ka mid yihiin, qiimaha guryaha, dharka, cuntada iyo waxyaabaha maaweelo ahaan loo adeegsado.

Image may contain: skyscraper, sky, cloud and outdoor

Tusaale ahaan qiimaha kirada caalamiga ah ee saddexda qol ee aan qalabaysnayn ee ku yaalla meel wanaagsan intooda badan waa 13,000 oo doolar.

Image may contain: skyscraper and outdoor

Guud ahaan magaalooyinka Aasiya iyo kuwa Yurub ayaa u qaalisan, Kaalimaha lixaad ilaa tobnaadna waxaa kala galay Seoul, Geneva, Shanghai, New York iyo Bern.

 

COMMENTS
Latest News