Saxilnews.com
MAGAALADA LONDON OO DAD LAGU TOORIYEEYAY
December 6, 2015 - Written by admin

London (SAXILNEWS.COM)_Tooriyeyn ka dhacday goob boosteejo ah oo ku taallla London ayaa hadda booliska UK waxa ay u baarayaan sida “dhacdo argagixiso”, sida ay booliska sheegeen. Booliska ayaa dhacday xalay xilliga fiidka ee London.

151206015433_leytonstone_stabbing_london_512x288_pa_nocredit

Qof ayey booliska xireen kaddib dhacdadaasi oo qofna uu six un ugu dhaawacmay laba kalena ay dhaawacyo fudud kasoo gaareen.

Baariyaasha ciidamada magaalooyiinka eek a hortagga “argagixisada” ayaa hadda dhacdada baaraya.

Waxa ay booliska tilmaameen in si isdaba jog ah loogu soo warammayo in qofka weerarka midda qaaday uu si xiriir ah dadka u handadayay.

Goobjooge ayaa BBC-da u sheegay inuu arkay nin middi haysta oo meel dhowr tallaabo u jirta taagan, oo dul taagan qof qofka jiifa iyo dadka oo ka kala cararaaya boosteejada bartamaha London ee Leytonston.

Taliyaha hogaaminaya ciidamada waxa loogu yeeray argagixisa ladagaallanka Richard Walton, waxa uu sheegay “in arrintan ay ula dhaqmayaan sida dhacdo argagixiso”, wuxuuna dadka London ku nool u sheegay inay feejignaadaan oo ayna isdejiyaan, lana socdaa hareerahooda xaaladda ka taagan.

Waxa uu intaasi ku daray in weerar argagixiso ay aad suuragal u tahay inuu ka dhoco London.

Waxaa baraha bulshada lagu baahiyay fiidiyowyo muujinaya qofka wax weeraray oo middi sita iyo iyadoo boolis ay ku hareereysan yihiin asigoo qeylinaaya.

Waxaa kala go’ay qadadkii isku xirayay bartamaha London tani iyo markii boostiijada la weeraray.

Majirin tareenno isaga kala gudbay wadada Liverpool iyo Woodford iyo Newbury xalay oo dhan, qadadkale ayaa iyaguna aad dib loogu dhigay.

Laakiin waxaa la sheegayaa in dadka loo ogolaaday inay tikityada ay haystaan ay ku raacaan basaska gudaha ka dhex shaqeeya.

 

COMMENTS
Latest News