Saxilnews.com
Magaalada Berbera Oo Kuwaabariisatay Dhalinyaro Gadoodsan Oo Ku Xoonsan Wakaalada Biyaha Berbera ,,
September 3, 2015 - Written by admin

Berbera (Saxilnews.com)-Magaalada Berbera Saaka Ku Waabariisatay Dhaliyaro Gadoodsan oo ku Xoosan Wakaalada Biyaha Ee Magaalada Berbera

Kadib Markii ay soo Baxeen Warar Sheegaya Inay Xukuumada Siilanyo Biyaha Berberana Wareejinayso  KunaWareejiso Dad Gaar Ah ,Dadkan Gadoodsan ayaa Kusoo Xoomay Afaafka Hore Ee Wakaalada Biyaha Berbera

Qaar Kamid Ah Oo Saxaafada La Hadlay Dadkaasi Ayaa Sheegay inay Xukuumada Siilanyo Usoo Jeesatay Boobka Khayraadka Dabiiciga Ah Ee Ilaahay Ku Manaysaty Gobolka Saaxil Gaar Ahaana Magaalada Berbera

Waxayna Sheegeen Inay Diyaar  Uyihiin Dagaal Ka Dhan Ah Dawlada Hanti Boobka Ah ,iyagoo Ku Adkaysanayey Inay Dhimisho Ka Xigaan Wareejinta Biyaha Dabiiciga Ah Ee Berbera (Naturalka Ah )

Wiil Dhalinyaro Ah Oo Magiciisa Ka Cudur Daartay Ayaa Usheegay Shebekada Saxilnews.com

In Hargaysa Looga Yeedhay Mareeyihii Wakaalada Biyaha Berbera Cabdiraxmaan Cartan Geedi Si Loogu Qanciyo Iibinta Biyaha Berbera Balse Bulshada Berbera Ayaa Mowqif Isku Mid Ah Tagaan Wareejinta Biyaha Berbera ,Madaama Ay Magaalo Xeebeeda Berbera Ubaahan Tahay Biyo Ka Badan kuwa Maanta La Isticmaalo Oo Ilaa Hada Qaar Kamid Ah Xaafadaha Berbera  Ay BiyoLa,aan Ay Ka Cawdaan

Talaabadani Waxay Noqonaysaa Hadii Ay Xukuumada Siilanyo Kusii Socota Ta Kaliya Ee Kala Jaraysa Ama Kala Kaxaynaysa Xukuumada Iyo Shacabka Berbera

Madaama Ay Bulshadu Ubaahan Tahay Biyo Iyo Laydh Jaban Uma Baahna Biyo Dad Gaar Ah Lagu Naas Nuujiyo Ee Waxay Ubaahan Tahay In Laga Fakaro Baahida Dhabta Ah Ee Danyarta Berbera

 

Waa Markii Lixaad Ee Xukuumada Siilanyo Keento Barnaamijyo Lagu Wareejinayo Haayadaha Dawlada Ee Ku Yaala Magaalo Xeebeda Berbera , Waxay Wareejisay Xaruntii Kaluumaysiga 2-Xaruntii Laydhka 3-Warshadii Sibidhka Iyo Warshadii Tarniiga Ama Jiingadaha Waxay Sidoo kale Damacsan Tahay Wareejinta 1-Dekkeda Berbera 2-Haamaha Shidaalka Berbera 3-Biyaha Berbera

Arintani Ayaa Cadaynaysa Inay Xukuumadu Indhaheeda Boobka Dalku Ku Foogan Yihiin Magaalada Berbera Oo Kaliya Maxaa Hadaba Sababay Inay Xukuumada Siilanyo Isku Soo Qaawiso Shacabka  Gobolka Saaxil ? Maxaa Se Ugu Wacan Jeclaysiga Dadka Privateka Ah Ama Nidaamka PPP ? Dan Ma Utahay Bulshada Berbera Wareejinta Biyuhu ? Waxaan Odhan Lahaa Talaabo Daaha Ka Faydaysa Cadaawada Xukuumadu Uhayso Gobolka Saaxil

 

Berbera ,Somaliland

saxilnews005@gmail.com

 

COMMENTS
Latest News