Saxilnews.com
MADAXWEYNUHU WAXA UU KA TAGAY HANAANKII DAWLIDNIMO OO DHAN,WUXUU GOOSTAY IN UU HAB BEELEED WAX KU TAAGEERO” AADAN DHEERE”
November 28, 2015 - Written by admin

London (SAXILNEWS)_Siyaasiga Jamaal Madar oo ku magac dheer Aadan Dheere islamarkaana  ku Sugan Magaalada London ayaa si Xeel dheer u lafaguray Khilaafka Xisbiga Kulmiya,isaga oo sicad u tilmaamay Cidda uu Khilaafka Kulmiye ka bilaabmo kuna soo afgo’o.

Jamaal Madar oo ka hadlayay kulan ay qabsadeen Garabka Isbahaysiga Dimuqraadiyad doonka Kulmiye  ee Taageersanayd Musharaxnimada Xilibaan Kijaandhe,ayaa waxa uu banaanka soo dhigay,Siyaasadda Qalafsan ee ay Afrika ka dhaxashay Isticmaarkii taas oo Dalal badan oo Afrika ah la hadhay, waa Habka loogu yeedho(qaybi oo Xukun),waana hab uu siiraanyo isticmaali jiray tan iyo intii uu noqday Hogaamiyihii SNM.

Sidoo Kale Siyaasiga Jamaal Madar  oo ka  mid ahaa Aas aasayaashii Xisbiga Kulmiye,waxa uu siweyn u duray qaabkii loo doortay Muuse Biixi Cabdi, isaga oo ku tilmaamay shirkii 10 November Magaalada Hargaysa ka dhacay shir Beeleed.

 

 

HALKAN HOOSE KA DAAWO:

 

 

 

 

SAXILNEWS005@GMAIL.COM

COMMENTS
Latest News