Saxilnews.com
Madaxweyne Trump Oo Saxeexay Mid Ka Mid Ah Ballanqaadyadii Ugu Muhiimsanaa Xilligii Ololaha Doorashada.
January 26, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

 

USA (Saxilnews):- Madaxweynaha Mareykanka ayaa soo saaray warqad uu ku amrayo in la billaabo dhismaha derbiga xuduudda Mexico.

Wuxuu sidoo kale saxiixay in la qaado tallaabo dhaqaalaha looga yareynayo magaalooyiinka Mareykanka ee ay ku badan yihiin dadka muhaajiriinta ah “ee aan warqadaha sharciga ah haysan”.

 

Balse, aqalka wakiillada ayaa laga doonayaa inuu meelmariyo hanaanka iyo dhaqaalaha oo lagu qiyaasayo inay balaayiin dollar gaareyso.

Dhismaha derbiga dherirkiisu yahay 2,000 oo meyl, wuxuu ahaa mid ka mid ah ballanqaadyadii ugu muhiimsanaa ee Trump, xilligii ololaha doorashada.

COMMENTS
Latest News