Saxilnews.com
MADAXWEYNE SIILAANYO OO XILKII KA XAYUUBIYAY GUDDOOMIYAHA MAXAKAMADA SARE SOMALILAND IYO QODOBA UU CUSKADAY ”
April 19, 2015 - Written by admin

Hargaysa (S N )Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa xilkii ka xayuubiyay Guddoomiyihii Maxakamada Sare ee Somaliland Dr. Yuusuf Ismaaciil Cali.

Wareegtada uu madaxweynuhu xilka kaga xayuubiyay Guddoomiyaha Maxakamada Sare oo goor dhaweyd uun ka soo baxday Qasriga Madaxtooyada oo uu nuqul ka mid ahi soo gaadhay Hadhwanaagnews ayaa u dhignayd sidan

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo

waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3197/042015 xilkii uu qaranka u hayey kaga qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare, isaga oo madaxweynuhu dib ka soo magacaabi doona masuulkii buuxin lahaa gudoomiyenimada.

 

Madaxweynuhu:-

 

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad

ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:                     Qodobka 105aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:                     Warbixintii iyo talo soo jeedintii Guddida Cadaaladda, taasoo tilmaamaysay in ay adagtahay wada shaqaynta Gudoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Guddida Cadaaladdu;

Markuu Arkay:                     Cabashooyinka is-dabajoogga ah ee dadweynuhu ka muujiyeen Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Garsoorka Dalka;

Markuu Yaqiinsaday:        In loo baahan-yahay isbeddel lagu sameeyo Garsoorka iyo Cadaaladda Dalka;

Wuxuu Go’aansaday

In laga bilaabo taariikhda maanta uu xilkii Guddoomiyenimo ee Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ka qaado Mudane, Yuusuf Ismaaciil Cali.” Ayaa lagu yidhi Wareegtadaasi.

Wareegtadan caawa ka soo baxday qasriga Madaxtooyada ayaa waxa uu madaxweynuhu uu ku  cadeeyay in uu soo buuxin doono kaalinta uu ka qaaday Guddoomiyihii Maxakamada Sare, hasayeeshee labada gole ee Guurtida iyo wakiilada uma uu gudbin in ay xilka ka xayuubiyaan.

Hore ayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo sidan oo kale sanadkii 2011-kii xilka uga xayuubiyay guddoomiyihii hore ee Maxakamada Axmed Oomane, waxaanu wakhtigaasi labada gole ka codsaday in ay xilka ka qaadaan, hasayeeshee wareegtada caawa uu ku caydhiyay Guddoomiye Yuusuf Ismaaciil Cali Codsigii ahaa in ay ka aqbalaan xilka qaadistiisa kuma uu cadayn, waxaase uu balan qaaday in uu soo magacaabi doono.

Fadhiga ugu horeeya ee ay wada jir u yeelan doonaan labada Gole ayaa waxa ay natiijadiisu noqon kartaa in ay diidaan xil ka qaadista Dr. Yuusuf Ismaaciil Cali iyo In ay yeelaan.

Wareegtadaas uu hore madaxweyne siilaanyo xilka kaga xayuubiyay Oomane oo wakhtigaasi madaxtooyadu u raacday jidkeedii sharciga ahaa ayaa   u dhignayd sidan ayuu wakhtigaasi ku yidhi ““Waxa uu maanta Digreeto Madaxweyne ku kala Diray Guddida Garsoorayaasha Maxkamada Sare isla markaana waxa uu Madaxweynuhu xilkii ka qaaday Gudooomiyihii Maxkamada sare, isla markaana Madaxweynuhu waxa uu labada Gole ee Guurtida iyo Wakiilada u gudbiyey xilka qaadista Gudoomiyaha Maxkamada Sare, sida uu sharcigu tilmaamayana waxa uu madaxweynuhu ka Codsaday in ay Waajibkooda Sharci ka gutaan kana aqbalaan xilka qaadista Gudoomiyaha Maxkamada Sare”

Saxil News.com

Hargaysa Somaliland

COMMENTS
Latest News