|
|||||
Saxilnews.com
DAAWO:MADAXWEYNE SIILAANYO OO KHUDBAD KA JEEDIYEY MAALINTA CAALAMIGA AH EE LA DAGAALLANKA XANUUNKA HIV/AIDS-KA+HALKAASNA SHAHAADO SHARAF LA GUDOONSIIYEYE + SHAHADO SHARAFNA SIIYEYE MAYERKA BERBERA CIDIN +SAWIRO
December 1, 2015 - Written by adminHargeysa (SAXILNEWS.COM)_Mudanayaal iyo Marwooyin, Sannad kasta Kowda Bisha December, waxa Dunida oo dhan laga xusaa Maalinta La Dagaallanka Xanuunka HIV/AIDS-ka. Sidoo kale, Bulshada Caalamku waxay xog-waraysi iyo wada-tashiba ka yeelataa waxa ka qabsoomay dedaalka loogu jiro la dagaallanka iyo cidhib-tirka xanuunka HIV/AIDS-ka iyo waxa hadhay ee u baahan in si wadajir ah wax looga qabto. Dalkeena Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu Bulshada Caalamka kala midaysan yahay la dagaallanka iyo xakamaynta cudurka HIV/AIDS-ka. Taariikhdu markay ahayd 25/8/2013-kii, waxaan Xafiiska Komishanka Qaranka ee La Dagaalanka Xanuunka HIV/AIDS-ka kaga dhawaaqay siday Madaxweyne ahaan, iiga go’an-tahay la dagaallanka iyo xakamaynta HIV/AIDS-ka. Xukuumaddaydu waxay wakhtigaa yool ka dhigatay in lagu dedaalo sidii xanuunkan loo xakamayn lahaa, si aanu u dhaafin marxaladda uu xilligaa taagnaa, una gaadhin Heerka Labaad ee loo yaqaanno Marxaladda Baahsan. Mudanayaal iyo Marwooyin, Mudanayaal iyo Marwooyin, Waxaan idinla socodsiinaya in guud ahaanba Gobollada iyo Degmooyinka Jamhuuriyadda Somaliland uu ka muuqdo hoos u dhacaasi. Mahadda Kowaad Ilaahay baa leh, mar labaad, waxaan halkan mahad-naq iyo ammaanba uga soo jeedinayaa guud ahaanba cid kasta oo isku hawshay wax ka qabashada iyo xakamaynta xanuunkan ama wax-tar, iyo teegeero u fidisay dadkeenna la nool xanuunkan. Gaar ahaan waxaan aad ugu mahad-naqayaa Maayarka Degmada Berbera siduu wax ula qabtay Komishanka Qaranka ee La Dagaallaanka HIV/AIDS-ka iyo taageerada uu siiyey dadka xanuunkaa la nool. Waxaan ku boorrinayaa masuuliiyinta kala duwan ee Qaranka inay si hagar la’aan ah uga qayb qaataan dedaalka loogu jiro la dagaallanka iyo xakamaynta xanuunkan, daryeelna ay u fidiyaan dadka xanuunkan la nool. Fadliga iyo gar-gaarka Rabbi ka sokow, hoos u dhaca cudurka HIV/AIDs-ka ee dalkeenna ka muuqda, wuxuu ku yimid dedaalka Xukuumaddan aan Madaxweynaha ka ahay oo Komishanka Qaranka ee la Dagaalanka HIV/AIDs-ku wakiil uga yahay. Iyadoo hoos u dhacaasi jiro, haddana waa inaan loo qaadan in khatartii xanuunku meesha ka baxday. Waqtigan xaadirka ah, hiigsiga Bulshada Caalamku waxa weeye in dedaal badan loo galo sidii cudurka HIV/AIDs-ka loo cidhib tiri lahaa sannadka 2030-ka, haddii ALLAH idmo. Haddaba, si loo gaadho yoolkaa Caalamiga ah ee lagu cidhib-tirayo xanuunkan, waxa lagama maarmaan ah: In %90 dadka xanuunka la nool ee aan iyagu is ogayni ay is ogaadaan. Mudanayaal iyo Marwooyin, Anigoo isku xidhaya gar-gaarka ALLAH, isla markaana kaashanaya kuna kalsoon aqoonta, khibradda iyo waayo-aragnimada durugsan ee ku duugan bulshada Jamhuuriyadda Somaliland, gudo iyo dibedba, waxaan halkan ka ballan qaadayaa inaan dedaal u sii geli doono cidhib-tirka xanuunkan iyo xakamaynta waxyaalaha uu ka dhashaba. waxaan halkan codsi uga dirayaa dhammaanba hay’adaha ku shaqada leh la dagaallanka cudurkan HIV/AIDs-ka inay intii awoodooda ah ee wax la qabasho ah, ay Komishanka Qaranka la Dagaallanka HIV/AIDs-ka ka caawiyaan sidii xanuunka looga cidhib tiri lahaa dalkan Jamhuuriyadda Somaliland.
UGU DANBAYNTII waxa halkaasi shahaado sharaf lagu gudoonsiiyeye madaxweynaha somaliland axmed maxamed maxauud siilanyo iyo maayerka berbera c/shakuur maxamuud xasan cidin oo kumutaystay caawimada dadka la nool xaniinka HIV/AIDs
COMMENTS
|
Latest News
|