Saxilnews.com
MADAXWEYNE MUUSE BIIXI IYO WEFTI UU HOGGAAMINAYAY OO BURCO SI WEYN LOOGU SOO DHAWEEYEY+DAAWO SAWIRADA
November 20, 2018 - Written by editor
Madaxweynaha somalilanf iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo maalmahanba safar shaqo ku jirey,ayaa si baaxad leh loogu soo dhaweeyey gudaha magaalo-madaxda gobolka Togdheer ee Burco iyo magaalooyinka dhinaca galbeed kaga teedsan.Madaxweynaha iyo weftigiisa oo saaka hiirtii hore ka kallahay magaalada Berbera, ayaasoo dhaweyn aan kala hadh lahayn kala kulmay shacabka ku dhaqan tuulooyinka iyo magaalooyinka u dhexeeya Berbera iyo Burco, kuwaas oo caleemo qoyan iyo calanka Jamhuuriyadda Somaliland ku soo dhaweynayey madaxweynaha iyo weftigiisa.
Shacab-weynaha ku dhaqan magaalada Burco oo ay hormood u yihiin maamulka heer gobol iyo heer degmo, xildhibaanno, madaxda dhaqanka qaybaheeda kala duwan, haween-weyne tiro badan, dhallinyarada gobolka, aqoonyahanka, siyaasiyiinta iyo haldoorka gobolka Togdheer, ayaa soo dhaweyn baaxad leh ku qaabilay madaxweynaha iyo weftigiisa, kuwaas oo safaf dhaadheer kaga jirey duleedka galbeed Burco iyo waddooyinka halbowlaha ah ee magaalada dhex mara, isla markaana astaanta calanka Jamhuuriyadda Somaliland iyo caleemo qoyan lulaya.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka reer Burco ee soo dhaweeyey socod lug ah ku dhex maray, waxana uu kula hadlay fagaaraha xarunta gobolka, isaga oo uga madadceliyey soo dhaweynta diirran ee ay ku qaabileen, kuna bogaadiyey inay midnimadooda iyo wada-jirkooda ilaashaadaan

COMMENTS
Latest News