Saxilnews.com
MADAXWEYNE MUUSE BIIXI CABDI OO KULAN LA QAATAY ODAYAASHA MADASHA WADASHATASHIGA IYO TOOSINTA QARANKA IYO WAXYAABAHA AY KAWAD HADLEEN
December 8, 2017 - Written by editor

Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa kulan la yeeshay qaar ka mid ah odoyaasha Madasha Wadatashiga. Kulankaas Oo ka dhacay guriga madaxweynaha waxaa goob joog ka ahaa Maxamed Xaashi Cilmi, Cabdisalaan Yaasiin, Xasan Guure, Aqoonyahan Ahmed Ibrahim Hassan, qaar ka mid ah dhalinyaradda Madasha, iyo Madaxweyne Muuse Biixi, Jamaal Cali Xuseen. Kulankaas Oo saacado socday wuxuu isugu jiray tallooyin, dardaaran, duco, iyo dhiirigelin. Madaxweyne Muuse wuu soo dhaweeyey kulankaas iyo tallooyinka daraasadka watay ee ay odoyaashu si waddaninimo leh u soo bandhigeen iyagoo kuli ka aroorsanaa dhaqaalaha, sharciga, iyo dhisidda maamul dawladnimo oo tayo leh Oo kooban. Si kheyr qabta Oo ay labada dhinacba isku af garteen ayuu ku dhamaaday kulankii. Madaxweynahu wuxuu ka dalbaday inay saxaan markasta Oo ay arkaan in wadaddii laga leexdaywixii talo ahna si toosa isaga ugu soo gudbiyaan

COMMENTS
Latest News