Saxilnews.com
Madaxweyne Mareykanka Oo Iminka Ku Dhawaaqey Amar Cusub Oo Khuseeya Dalka …..
April 19, 2017 - Written by Saki Adam Suxufi

USA (Saxilnews):- Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa ku amray Golaha AmnigaQaranka inay dib u eegaan heshiiska caalamiga ah ee barnaamijka nuclear-ka Iran, iyo in hakinta cunaqabateynta la saaray dalkaas “ay muhiim u tahay danaha amniga qaran ee Mareykanka”.

Image may contain: 1 person, suit and closeup

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Rex Tillerson ayaa dib u eegistan shaaca ka qaaday salaasadii markii uu la hadlay afhayeenka aqalka wakiilada Paul Ryan.

 

Xoghayaha arimaha dibada ayaa sheegay in Iran ay u hoggaansameyso mas’uuliyadda ka saaran fulinta heshiiskii la gaadhay 2015-kii, kadib wada-xajaoodyo ay la gashay Mareykanka, Britain, France, China, Russia iyo Germany.

Qaramada Midoobey, Mareykanka iyo dalal kale ayaa horey Iran ugu soo rogay cunqabateyn dhaqaale, oo looga gol lahaa in lagu qasbo inay ka tanaasusho barnaamijkeeda nuclear-ka.

COMMENTS
Latest News