Saxilnews.com
MADAXWEYNE KU XIGEENKII HORE EE SOMALILAND OO KA HADLEY XUKUNKA LAGU RIDEY DADKII LOO HAYSTEY DILKA TALIYE CASAYR SHEEGAYNA IN ANBIIL LAGA QAADAN DOONO.
July 28, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

Hargeysa (SaxilNews):- Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa ka hadlay xukunkii dilka ah ee Maxkamada  Ciidanku  ku riday eedaysanayaashii loo haystay dilkii Taliyihii Booliska ee Gobolka Saaxil iyo  mudaharaadadii  lagaga soo hor jeeday xukunkaasi ee ka dhacay magaalooyinka Sheekh,Berbera  Iyo Burco.

 

Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu shegay in xukunkan laga qaadan doono Anbiil, maadaama oo maxkamadu tahay tii ciidamada, dadka la xukumayna yihiin dad shacab ah oo u baahan maxkamada caadiga ah, waxaanu tilmaamay in labada reer ee dilku ka kala dhex  dhacay ay yihiin laba reer oo walaalo ah oo cid iskaga  dhaw aanay jirin,  rajo weyna uu ka qabo inay arintan ka heshiiyaan.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin oo Wargeyska Geeska Afrika  ayaa waxaa uu yidhi

“Dadka mudaharaadayey  waxay ka mudaharaadeen xukunka dilka ah ee Maxkamada Ciidanku ku  xukuntay eedaysanayaashii loo heystay dilkii ALLE ha u naxariiste Taliyihii Ciidanka Booliska ee gobolka  Saaxil, kolay Raggani waa rayid oo ciidan maaha, waxayna u baahan yihiin Maxkamadda caadiga ah ee shacabka, dadka mudaharaadaydana waxaan leeyahay waa xukunkii ugu horeeyey oo  anbiil baa kolay laga qaadan doonaa  oo Maxkamadda caadiga ah ayaa loo wareejin doonaa  ee isa dajiya, waxaana run ah in labadan reer ee dhibtu kala gaadhay ay yihiin laba reer oo walaalo ah  oo Oday ka soo wada jeeda  oo cid iskugu xiga, wax walba waa laga heshiiyaa  ee waxaan u soo jeedin lahaa oo aan kula talin lahaa inay arintan ka heshiiyaan ” ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yasiin Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland

Source:- Geeska

COMMENTS
Latest News